Wednesday, December 31, 2014

Xeebaha Talyaaniga Oo Lagu Qabtay Markab Sida 700 Oo Tahriibayaal Reer Suuriya Iyo Ujeeddada Socdaalkooda

Sicily:Dec,31,2014(Himilo)-Ciidamada Badda Talyaaniga ayaa gacanta ku haya Markab baahad weyn oo sida Tahriibayaal Tiro badan oo kasoo dhaqaaqay dalka Turkiga.

naaxTahriibayaasha Markabkan saaran, ayaa tiradooda lagu sheegay 700-Qof, waxana la tilmaamay inay dhammaandood u dhasheen Dalka Syria oo haatan qallalaase ba’an ku jira.

Markabkan ayaa la sheegayaa inuu ku jihaynaa Dhinaca Dalka Croatia, waxana uu siday Shacab qaaxooti ah oo dalkoodii xasilooni darro uga soo cararay.

Ciidamada Bada ee Talyaaniga ayaa sheegay in markabkaasi ka heleen 700 oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan caruur, haween iyo waliba dad dhaawac ah. Waxaana la sheegay in dhamaan naakhuudayashii iyo Kabtankii Markabkaasi ay baxsadeen.

Ciidamada Bada Talyaaniga ayaa markabkaasi la wareegay waxayna sheegeen in markabkaasi loogu talo galay inuu isagoo sabeenaya xeebta Talyaaniga kusoo caariyo, waxaana falkaasi ka danbeeyey shaqaalaha markabkaasi oo dadka tahriibayaasha ah uga tagay markabka dushiisa, waxayna sidoo kale ay markabka ka xidheen qolka laga wado.

Dadka Tahriibayaasha ayaa hada lagu hayaa iskuul ku yaal magaalada xeebta ku taal Gallipoli halka qaar kalena isbitaalada la dhigay

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment