Strasbourg, 20 Dec, 2014-(Himilo):- Xildhibaan James Carver oo Baarlamaanka Yurub u metela Xisbiga UKIP ee Ingiriiska, isla markaana si weyn u taageera qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, ayaa sheegay inay u diyaarsan yihiin qorshayaal la xidhiidha aqoonsiga oo sannadka cusub uu soo bandhigi doono.

Wareysi kooban oo Xildhibaan Carver uu xalay la yeeshay Maxamuud Walaaleye oo Wargeyska HIMILO ka tirsan, ayuu ku sheegay inuu Safiirrada waddamo badan oo Qaarada Afrika ah kala xaajooday qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, waxaanay su’aalahii iyo jawaabahii uu ka bixiyey u dhaceen sidan:-
Mr. Carver oo la weydiiyey illaa xillima ayaad taageeraysay qadddiyadda madax-bannaanida Somaliland, siday ku bilaabantay, waxaanu ku jawaabay; “Kuma lihi xidhiidh qoys ama ganacsi Somaliland, laakiin waxaan qaddiyaddeeda u galay markaan arkay xaq-darrada haysata, fikirkayga waddankan ugu xasilloon, uguna rejada wanaagsan Geeska Afrika. Waxaan si weyn u taageerayaa sidii Somaliland loo siin lahaa fursaddii ay madax-bannaanideeda ku gaadhi lahayd.”
Sidoo kale, Mar la weydiiyey ka dib dooddii qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland ee Arbacadii aad ka jeedisay Baarlamaanka Yurub, waa sidee fursadaha in arrinkaa dooddiisa la soo dhigo, taasoo Wasiirka Arrimaha Dibedda-na la filayo inuu badhtamaha bisha dambe khudbad ku saabsan qaddiyadda madax-bannaanida ka jeediyo Baarlamaanka, ayuu ku jawaabay; “Waxaan filayaa inaan sheegi karo qorshayaashayda sannadka cusub, isla markaana faahfaahin dheeraad ah bixin karo markaan dhammaysto wada xaajoodyo ii socda.”
Xildhibaan Carver oo ka jawaabayey xidhiidh uu la leeyahay Xukuumadda Somaliland, qurba-joogga iyo Saaxiibbada Somaliland u dooda, waxa uu yidhi; “Bishii November waxaan ka qeybgalay shir Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriisku ku soo qabanqaabisay Lonodn, halkaas oo in badan oo Madaxda Somaliland iyo Ganacsato kala duwan ku kulanay, kulankaana xidhiidho wanaagsan ayaa ku abuurmay, waxaanan rejeynayaa inaan sii ballaadhiyo taageeradayda qaddiyadda Somaliland. Waxaan sidoo kale kulamo gaar ah kala yeeshay qaar ka tirsan Safiirrada wadamada Afrika qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland.”
Gebo-gabadii Xildhibaan Carver oo la weydiiyey inay jiraan Qurba-joog badan oo ka soo jeeda Somaliland, isla markaana deggan waddamada Yurub, tallaabooyinka ay u qaadi karaan horumarinta qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland ayuu ku jawaabay; “Waxaan qabaa inay muhiim tahay in Qurba-jooggu sii wadaan muujinta doodda adag ee madax-bannaanida Somaliland, una taageeraan dalkooda inta ay karaan, si xasilloonida uu haysto ugu sii jiro. Waan hambalyeynayaa kaalinta Qurba-joogga, ballan-qaadkooda iyo taageeradooda muuqata, keliya qiimo uma laha Geeska Afrika, laakiin, beesha caalamka guud ahaan.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment