Hargeysa, 23 Dec, 2014-(Himilo)- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay u arkaan inay Somaliland guul ka gaadhay wadahadalka ay Soomaaliya kula yeelatay magaalada Jabuuti, kaasoo uu xusay in qodobbada heshiiska lagu gaadhay ee ka soo baxay uu ka mid yahay qodob dhigaya in aan laga werwereerigin ee lagu dhiirrado ka wadahadalka Masiirka Mustaqbalka ee Somaliland oo ah gooni-isu-taaggeeda iyo madax-bannaanideeda in lagu aqoonsado.

S: Wasiir maaha markii ugu horreysay ee ay Somaliland iyo Soomaaliya heshiiskan oo kale kala saxeexdeen tan iyo markii ay wadahadallada bilaabeen, marka heshiisyadaa la saxeexo ka dib Somaliland cabasho ayay ka muujisaa fulitaanka Heshiisyada oo ay sheegto inaanay dhanka Soomaaliya ka fulin, immikana bishan gudaheeda dawladda Federaalku waxay Qaramada Midoobay si rasmi ah ugu wareejisay Maamulka Hawada, markaa ma waxaad leedahay Soomaaliya way ka noqonaysaa taas oo Somaliland Maamulka hawada waxbay la qaybsanaysaa?
J: Madaxweynaha Soomaaliya Afkiisa waxaannu ka haynaa inaanay waxaasi waxba ka jirin, inuu fulinayo wax alla wixii lagu heshiiyey, oo uu Markhaati ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti, labada Madaxweynena fadhiyeen, waannu ka wadahadalnay, waxay yidhaahdeen waxaannu jebinnay ma jirto, wax allaala wixii lagu heshiiyey ee dhacay dhammaan ee labada waddan hore u kala saxeexdeen waa la fulinaynaa siday u ahaayeen ee sharcigu yahay.
S: Sidaad ula socotaan arrimaha wadahadalku waa arrin dawladda Somaliland khuseeya, dawladda Somaliland ayaana awood loo siiyey oo labada Gole-ba u siiyeen, maaha arrinkani arrin Mucaarad iyo Muxaafid ah, arrinkani waa arrin Ummadda khuseeya, waa arrin loo xil-saaray Madaxweynuhu inuu hoggaamiyo iyo dawladdiisa iyo Wasiirradiisu. Wax alliyaala waxaannu ka wadahadlaynana waannu kala tashannaa Xisbiyada iyo Shacbiga-ba, labda Xisbiba waa la socdaan, Guurtida iyo Wakiilladuna waa ansixiyeen, oggolaanshahana way na siiyeen, cid loo daba-fadhiisanayaana ma jirto, Shacabka Somaliland-na way nagu garab-taagan yihiin inaannu dadka Somaliland u shaqayno. Waxaanannu leenahay Mucaarad iyo Muxaafidba arrintu markay noqoto qaddiyadda ummadda Somaliland, Qarannimadeenna, Gooni-isu-taaggeenna iyo jiristeenna dadka Mucaaridka ahi waa inay si fiican u fahmaan markay qaddiyad Qaran noqoto inaan cidina u dul-qaadanayn ninkii Qaranka arrimihiisa ka hor-yimaadda.
S: Wasiir wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya muddo ayay soo socdeen kolba wax lagu heshiinayey, wadahadalkii u dambeeyey ee magaalada Istanbul ee Turkiga ka dhacay qodobbadii labada dhinac ku heshiiyeen iyo qodobbada heshiiskan Jabuuti wax faraq ah oo u dhexeeyey ma jirin, markaa maxay Somaliland yeelaysaa haddii Soomaaliya ka dhego-adaygto kulammada dambe?
J: Maanta Markhaati wayn baa joogay, Oday Wayn oo Soomaali ah oo dawladda Jabuuti Madaxweyne u ah ayaa maanta Markhaati ka ahaa, isagaa Gogosha fadiyey, waa ka geddisan yahay wadahadalka Maanta kuwii hore. Kan waxa aad looga wadahadlay Masiirka in lagu dhiirrado intii hore waxay ahayd waxyaabo dul-xaadis ah oo dhismaha, horumarinta, nabadda iyo wixii la mid ah.
Maanta waxa laga wadahadlay oo la goostay gooni-isu-taagga Somaliland, in lagu dhiirrado waxa Somaliland Masiirkeeda iyo mustaqbalkeedu yahay, in arrimaha siyaasadda aan laga xishoon ee lagu dhaco, inaan la is-hor-taagin wax alla wixi dhaqaale ah ee ummadda Somaliland u baahan tahay oo aan la siyaasadeynin. In Markhaati la innoo noqdo oo haddaynu is-qabsanno meel la isula soo noqdo iyo Marjac la helo. Waxaannu aamminsannay in maanta Shirkani mid aad u weyn ahaa, Madaxweynuhu na hoggaaminayey oo aannu ku soo guulaysannay, aad baannu ugu faraxsannahay inaannu Shacbiga Somaliland war fiican u keennay, waa wax weyn mustaqbalkeennu, waa qaddiyad fiican, una baahan inay ummadda Somaliland guud ahaan nagu taageeraan oo nagu barbar-istaagaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment