Sunday, December 21, 2014

“Waxa jirta mushkilad gaar ah oo ay ku tahay Somaliland oo ilaa sannadkii 1991 sheeganaysay madaxbannaani”

Muqdisho, 21 Dec,2014 (Himilo)- Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nikolas Kay, ayaa sheegay in aftida dastuurka laga qaadi doono sannadka dambe Soomaaliya, isla markaana aanu khilaaf ka taagnayn inay nidaam Federaal qaadato marka laga reebo Somaliland.

Mr. Kay oo warbaahinta la hadlayey shalay ayaa sheegay inay jiraan fikrado kala duwan oo maamulada Soomaaliya ka qabaan siday ula  qeybsanayaan awoodaha iyo dhaqaalaha, balse waajibka QM yahay sidii isfaham uga dhexabuuri lahayd.

Ergeyga Qaramadda Midoobay oo ka hadlayey xilliga aftida dastuurka laga qabanayo Soomaaliya, iyo ayaa yidhi,

nick_kay“Waan ku qanacsan nahay horumarka loo qaaday gaadhitaanka nidaam Federaal ah, sida abuuritaanka maamul-goboleedyo, wada xaajood ka yeelan doona dastuurka cusub, ka dibna afti loo qaadi doono sannadka dambe, halka doorashooyinku dhici doonaan sannadka 2016.”

Danjire Nicholas Kay oo la weydiiyey sida ay suurta-gal ku noqon karto in xal laga gaadho khilaafka Soomaalida ka dhex-aloosan, waxa uu ku dooday inaanu jirin khilaaf laysku diiddan yahay in la wadaago nidaamka Federaalka, haseyeeshee waxa uu meesha ka saaray inay Somaliland ka qayb ka tahay qorshaha ay Qaramada Midoobay ugu talo-gashay hirgelinta nidaamka Federaalka ee beesha Caalamku dabada ka riixayso.

“Maamulada Soomaaliya gudaheeda waxa jira dad badan oo aaminsan mabda’a federaalka iyo qaar shaki ka muujinaya, balse waxa jirta mushkilad gaar ah oo ay ku tahay Somaliland oo ilaa sannadkii 1991 sheeganaysay madaxbanaani. Mushkilad gaar ah ayey leedahay Somaliland, inta soo hadhay guud ahaan waxay aaminsan yihiin Soomaali mid ah, inakastoo ay ku kala aragti duwna yihiin sida awoodaha,  dhaqaalaha, iyo kheyraadka u qeybsanayaan iyaga iyo Muqdisho. Hawsha Qaramada midoobay waa sidii aanu ugu fududeyn lahayn isfahamka Soomaalida dhexdeeda, waan joogi doonaa inta naloo baahan yahay,” ayuu yidhi Danjire Nicholas Kay.

No comments:

Post a Comment