
Waxa kale oo Guddiga Daba-galka Musuq-maasuqa ee Golaha Wakiilladu warbixintooda ku xuseen in musuq iyo wax-is-daba marin regaadisay hay’adda Hanti-dhowrka, isla markaana guddi ahaan aanay ka helin Hanti-dhowraha wax Xisaab xidh ah oo ku saabsan shaqada ay qaranka u hayso hay’addaasi.
Haseyeesehee, Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Maxamuud-Dheere oo xalay Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey jawaabta uu ka bixinayo eedaymaha ay Guddi-hoosaadka daba-galka Musuq-maasuq ee Golaha Wakiilladu u jeediyeen, ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday inuu si faahfaahsan uga hadlo arrintaas, isaga oo ku gaabsaday inaanu wakhtigan diyaar u ahayn ka hadalkeeda, jawaabteedana uu wakhti kale kaga hadli doono.
Balse wariyaha Himilo oo Hanti-dhowrka weydiiyey waxa uu kaga jawaabayo eedaymaha loogu jeediyey ballan-fur iyo meer-meerin ay guddigu ku eedeeyeen, ayaa sheegay inaanay waxba jirin dhaliilaha loo jeediyey isla markaana ay is-arkeen guddiga. “Waxba kama jiraan arrintaas. Guddiga waanu kulannay oo waanu is-aragnay,” sidaas ayuu ku gaabsaday Hanti-dhowraha Guud ee Qaranku.
Md Maxamuud-Dheere oo aanu sii weydiinnay jiritaanka inaanu guddiga u gudbin Xisaab-celin ay ka dalbadeen, waa uu beeniyey arrintaas, waxaanu ku dooday inaanay waxba ka jirin eedayntaas, isaga oo gebi ahaanba ka gaabsaday inuu ka sii hadlo arrintan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment