Saturday, December 20, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Waftigiisii Oo Gaadhay Magaalada Djibouti Iiyo Soo Dhaweyn Diirran Oo Lagu Qaabilay

Djibouti:Dec,20,2014(Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud(siilaanyo), iyo waftigii uu Hoggaamiinayey oo saaka dalka ka ambabaxay, ayaa gaadhay Magaalada Djibouti, iyadoo halkaas loogu sameeyey soo dhaweyn heerkeedu sarreeyo.

xadoMadaxweynaha iyo Waftigiisa, ayaa waxa garonka Diyaaradaha ee Magaalada Djibouti kusoo dhaweeyey Ra’isal wasaaraha dalkaas Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo Xubno ka tirsan Xukuumaddiisa,kuwaas oo madaxweynaha iyo Waftigiisa geliyey Dareen walaaltinimo oo qiimo badan leh.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa Salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka dirsan Ciidamada Dawlada Jabuuti oo ku sugnaa Madaarka Jabuuti ee Caalamiga ah, iyada oo Madaxweynaha loo gelbiyey dhinaca Hotel Palce Kempinski ama Kambiisi, oo qadar daqiiqado ah ka dib uu ku soo boqday Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Cismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, boqoshadaasi oo ahayd mid labada madaxweyne isku weydaarsanayeen Arrimaha Gobolka iyo Ujeeddada socdaalka, waxana lagu kala tegay in dib la iskugu soo noqdo.

Xubnaha Madaxweynaha ku wehelinaaya Safarka

  1. Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaji Xasan ,Wasiirka Beeraha Prof. Geedoole , Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir ,Gudoomiye ku xigeenka Wakiilada Baashe Maxamed Faarax , Gudoomiye ku xigeenka Guurtida Siciid Jaamac Cali , Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali , Xildhibaan Nacnac , Xildhibaan Kijaandhe


Madaxweynaha iyo Waftigiisa, ayaa la filayaa inay Dalka Djibouti wada Hadal kula yeelan doonaan Wafti kasocda Dhiggooda Somalia oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan sheikh, Kaas oo lagu wado inuu saacadaha soo socda kasoo degi doono dalka Djibouti.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment