Qaar kamid ah goobaha Internetka ee lagu taageero kooxda ISIS ayaa lagu soo bandhigay sawirka duuliyihiin diyaaradaasi oo nool isla markaana ay gacanta ku dhigeen dagaalyahanada ISIS.Dowlada Jordan, ayaa qiratay dhicitaanka Diyaaraddan, waxana war qoraal oo kasoo baxay Militeriga dalkaasi sheegay inay diyaaradaas iska lahaayeen, isla-markaana uu Duuliyihii Gacanta u galay Kooxda Daacish.
Maaha markii ugu horeysay oo diyaaradaha ka qeyb qaadanaya duqeynta ISIS ay soo dhacaan waxaa hore uga dhintay Maraykanka mid kamid ah duuliyayaashooda diyaaradaha F16 oo la sheegay inay la dhacday diyaaradiisa kadib wax lagu sheegay cilad farsamo.
kooxda ISIS ayaa marar hore internetka ku baahiyey in ay hore usoo rideen diyaarado kala duwan oo ay leeyihiin dowladaha uu Maraykanka hogaaminayo, walow warbixinadaasi hore aan loo heyn wax xaqiijiya.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment