
Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, Xildhibaanno iyo Aqoonyahanno ka hadlay Madasha Shirka lagu qabtay, ayaa ka soo horjeestay go’aan ay Guddiga Horumarinta Beesha ee lagu doortay shirkii Hoodaale ku go’aamiyeen inaan beel ahaan guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi lagula tartamin gudaha Xisbiga doorashada madaxtinimada dalka, go’aankaas oo dhowaan uu sheegay Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, waxaanay ku doodeen in go’aanka guddigu ahaa mid baalmarsan ujeeddadii loo aasaasay oo ka madax-bannaan Arrimo siyaasadeed, sidaas awgeedna looga baahan yahay cid kasta oo han siyaasadeed leh inay Xisbiga dhexdiisa kaga dhex-tamaan, isla markaana aanay ahayn arrin go’aankeeda ay beeli leedahay.
Xubin ka tirsan Guddiga Horumarinta Beesha ee lagu doortay Shirkii Hoodaale, Abshir Maxamed Xoodiye oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey xuddunta khilaafka kala-qaybiyey guddigooda iyo sababo horseed u noqday inay arrimo siyaasadeed faraha la galaan. “Annagu Guddi ahaan waxaanu ahayn Guddi Horumarineed ee ma nihin guddi siyaasadeed, shirkii Hoodaale waxa nalagala dardaarmay inaanaan wax siyaasad ah gelin. Waxa nalagu yidhi haddii aad siyaasad gashaan waad burburi doontaan, nasiib-darrose arrinkaasi guddigayaga dhexdiisa wax ka yimi muu ahayn, waxay ahayd arrin dibadda nalagaga keenay oo nagaga yimi siyaasiyiinta iyo tijaarta.”
“Waxaanu isku daynay markii aanu buuqaas ka bixi waynay inaanu dhegaysanno ciddan is-haysa waanan u yeedhnay saddex nin oo siyaasiyiin ah oo beesha u dhashay oo sharaf naga mudan oo noo siman, waanu waraysanay, waraysigayagu waxa uu ka duulayay oo aanu lahayn gartiina ma noo dhiibateen, waxay ahayd haddii ay gartaas noo dhiibtaan inaanu dhex galo, haddii ay noo dhiiban waayaanna inaanu ka joogsano. Guddigayaga qeyb ka mid ahi waxay noo sheegeen in gartaas naloo dhiibtay, laakiin lanooma dhiiban waxba,” Sidaas ayuu yidhi Abshir oo hadalkiisa raaciyey hadallo uu ka soo xigtay Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo guddigooda ku war-geliyey inaanay ahayn guddi loo igmaday arrimok siyaasadeed, sidaas awgeedna aanu gartiisa u dhiiban karin.
Suldaan Jaamac Cismaan oo kulanka ka hadlay, ayaa yidhi, “Inamadan siyaasiyiinta ah ee reerku runtii waa inamo wanaagsan waana iskugu keen mid. Waxaan leeyahay horumar iyo midnimo haddii la doonayo waa inay iyagu siyaasiyiintani kulmaan oo heshiiyaan. Dawladu wax bay qabatay oo cid lagu doorsanayaa ma jirto.
Waanu ognahay halkii ay dawladnimada ka qaaday iyo halka ay gaadhsiisay, guusha u weyn ee ay gaadhay waa lacagtii oo ay dalka wada gaadhsiisay oo ay ka bedashay lacagtii giimbaarta ahayd. Cidii indho fayow ku eegtaaba way arkaysaa wax-qabadka dawladda.”
Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Nuur oo ka hadlay, ayaa naqdiyey taageerada Suldaanka Guud ee Subeer Awal ku ayiday go’aanka Guddiga Horumarinta Hoodaale iyo Madax-dhaqameed kale oo taageeray go’aankan, waxaanu yidhi, “Salaadiinta taageertay hadalkii nimankii Guddidii Agabar ka mid ahaa gaadheen ee khilaafka abuurtay waxaan leeyahay waxba ma tihidin. Suldaanka guudna haddii aanay shan jiif caaqil ugu yaraan aanay kalsooni siinin, miyuu kalsooni cid siin karaa, isagiiba kalsooni ma haystee. Salaadiinta kale ee reer Hargeysa ee iyaguna wax baanu taageernay yidhi waxaan leeyahay waxaad tihiin dhidar onkod kiciyay, waxa wanaagsan inaad hubsataan, wixii la isku raacsan yahay ayaa la taageeraa, haddii aanad ka mid ahayn kuwa khilaafkan abuuray ee dadka iska hor keenaya,haddii kale adigaa wax isu dhimaya oo suldaan-na ma tihid waxaad taageertayna wax jira ma aha.”
Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Beesha Sacad Muuse, ayaa isaguna sheegay, “Guddidaa inta siyaasadda ku milantey ee maanta reerkii kala jabisay ee waxaan jirin ku dhawaaqeysa, waxaan leeyahay raas weliba shaqsiga kaga jira ha soo beddelo, aniga way igaga jiraan oo imika laga bilaabo waan beddelayaa, dad kalena waxaan ka codsanayaa inay soo beddeshaan, maadaama oo raggaasi ay halkaa beddel ku yihiin oo ay shaqadoodii gabeen oo ay halkoodaa ku casilmeen.”
Munaasibaddaasi oo sidoo kale uu ka hadlay Suldaan Xuseen Muuse Cirday, ayaa isaguna waxa kalmado muhiim ah ka yidhi Caaqil Cabdillaahi Qalinle, waxaanu tilmaamay “Sacad Muuse wuxuu guddida u doortay inaanu siyaasad gelin ee uu horumarin ka sameeyo halka beeshu ka liiceyso, waxaana lagu alkumay inay siyaasad dibadda ka yihiin. Laakiin qolada ka baydhay ujeeddadii loo sameeyay waxaanu leenahay waad dunteen, Sacad Muuse-na intaa ka soo hadhay wuxuu ku biiranayo haku biirayo , waayo waad dunteen haddaad guddoomiye lahaydeen iyo haddii aad xubno lahaydeenba, cid aad wax jeebka ugu haysaan oo aad siisaneysaana ma jirto, dadka waxaad u hayso ayaa la yidhaahdaa hebel baan siiyey, laakiin haddii aanad haynba maxaad hebel siin”
Suldaan Axmed Nuur Cabdillaahi Samaale, ayaa isaguna ka hadlay kulanka, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Salaadiinta taageertay go’aanka qaladka ah ee ay soo saareen guddidaasi, waxaan leeyahay walaalayaal waxay ahayd oo loo doortay Salaadiinta inay saxaan wixii qaladaad ah ee beesha ka yimaadda, laakiin halkii aad qaladka ka sixi lahaydeen ayaad qalad raacdeen, taasina idinka ayay idiin taallaa, waana wax la idinkala xisaabtami doono Maalinta QIYAAMAHA,” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, waxaan leeyahay adeer Suldaan Guud ma tihid, Suldaan gaarna ma tihid oo ku sime ayaad tahay, Suldaanka guud ee Cabdirisaaq Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, adeer waxaan ku leeyahay Saldannadu waxay ahayd Saldanad qaaliya, maantana waa qaali, haddeyse sidaa qaali u ahayd inaad sidaa u silciso alleylehe ma ahayn.”
Caaqil Cabdilaahi Qalinle Fariid oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa sheegay in sharciyadda murashaxnimadu ka go’antahay Xisbiga Kulmiye gudihiisa, waxaanu yidhi, “Inammada siyaasiyiinta ah ee beesha Sacad Muuse waxaan leeyahay madaxtinimada dalka madaxweyne ayaa fadhiya, shanta sannadood ee soo socotana isagaa ku fadhiyaya haddii ALLE yidhaahdo, wixii intaas ka dambeeya markay gaadho waxa idin soo kala saaraya Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Ninkii halkaas ka soo baxa markaas ka dib ayaa talladiisa la geli doonaa. Waxaan leeyahay waxba imika idiinma dhowee xisbigiina ku soo kala baxa, midkiina ma necbin dhammaantiin waanu idin jecel nahay siyaasiyiinta intaas ayaan leeyahay.”
Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay Cuqaal iyo Waxgarad kale oo dhammaantood naqdiyay go’aanka Guddiga Horumarinta Beeshu kalsoonida ku siiyeen Muuse Biixi, kaas oo ay ku sifeeyeen mid aanay sharci iyo xaqtoona u lahayn inay ka taliyaan, iyaguna aanay kala jeclaysanayn siyaasiyiinta hankooda shaacisay balse ay taageersan yihiin in sharciga iyo qawaaniinta u yaalla Xisbiga gudihiisa lagu kala baxo..
Waxa kale oo kulanka ka hadlay Xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi oo tirsan Golaha Wakiiladda, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Somaliland dadkeedu nin waliba shaqo aanu lahayn ayuu qaataa, Guddidanna hawl ayaynu u diranay oo ahayd horumarin, wixii intaas dhaafsiisan iyo siyaasad baanu ka talinaynaa, beesha Sacad Muuse waxaan leeyahay waxaynu nahay beel weyn ee aynu ummadda reer Somaliland ka xishoonno , dadku kaligeen ma aha, dalka waa la inala leeyahay marka aynu wax ka hadlayno aynu dibada isula baxno oo aynu joojino warbaahintan aynu ka hadlayno iyo lacagtan la isku iibsanayo.Shirkii Agabar tawfiiq ayaynu kaga nimid, kuwa muwaafaqada iyo isku duubnideenna burburinayana Illaahay ha innaga qabto.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment