
War saxaafadeedkan taliska AMISOM kasoo baxay waxaa lagu cadeeyay in tirada dadka ku geeriyooday weerarkii shalay ay gaadhayaan 9 ruux oo 5 ka mid ah ay ahaayeen dablaydii xerada weerartay, 3 askari oo AMISOM ka tirsanaa iyo ruux rayid ah oo kusugnaa Gudaha Xalane.
AMISOM ayaa sidoo kale sheegtay in nolosha lagu qabtay sadax kamid ah ragii Al-Shabaab katirsanaa ee weeraray Xarunta Xalane, waxa ayna AMISOM tilmaantay in ay dib ula wareegeen ammaanka xerada, xaaladana ay sidii hore ku soo laabatay,
Al-Shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada weerarka shalay ka dhacay gudaha Xarunta Xalane, waxa uuna Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Dheere sheegay in weerarkaasi ku dileen Saraakiil ajanaiib ah iyo Ciidamo katirsan AMISOM.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment