Hargeysa (Himilo)-Suxufi Saleebaan Cabdi Cali oo loo yaqaano Kalshaale ayaa maanso baroordiiq ah u tiriyey Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax Illaahay naxariistii janno ha ugu deeqee oo tiirarka waa weyn ee saxaafada Somaliland oo ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada Nairobi, isla markaana lagu aasay xabaalaha xeedho ee ku yaala duleedka Hargeysa.
Suxufi Kalshaale oo maansadan curiyey 29/12/14 ayaa ka waramay maansadani sidii ay maskaxdiisa uga soo maaxatay waxaanu yidhi:-
“Anigoo si hal-haleel ah u holaday midhahan markii ay dhegtaydu maqashay geerida naxdinta badan, waxa laga yaabaa inay ku jiraan ereyo badan oo Jaban, isla markaana suugaanyahanada qaar badan oo ka mid ahi ay u arkaan kuwo aan miisaan badan ku fadhiyin laakiinse anigu dareen ahaan iskumaan qancin inaan Gabayo ee waxaan jeclaystay inaan asxaabta la wadaago dareenka guud ee Baroor-diiqda”…
Waxaanan ku bilaabay sidan:-
Caatadda adduunkaanu jirin ruux cadadiyaaye
Hadii lagu ciseeyoo uu jiro ruux cimrigii dhaafay
Udgoonoow rasuul Maxamed-baan laga carceersheene
Culimadii Asxaabtaan iyana laga carrawsheene
Ciil la hooyeyaa iyo wakhtigan ceeb ka cararyaaba
Cabdoow dheelmay Maxamedkii cududa weynaaye
Miyaan ledi callool xumo xaqaan ciddi cambaareyne
Cidlo miyuu horror dugaag igu arkaan maanta
Inaan caymad baadiya ahoon cidi difaacaynin..
Kolkay taladu ciirtee sharciga laga cabsoon waayo
Kolkuu ciil nin noo qabay coltamo cududna uu sheegto
Isagaa cod-dheer iyo lahaa Ciirsi iyo hiile
Isagaan cabsoon jirin haddii ciidan loo diro’e
Isagaa Caroog noo ahaa lama cadaabaane
Miyaan ledi callool xumo xaqaan cidi cambaareyne
Cidlo miyuu horror dugaag igu arkaan maanta
Inaan caymad baadiya ahoon ciddi difaacaynin..
Caawa iyo xalaytaa is xigay waana kala cayne
Cad-ceed iyo habeenbaa is-xiga waana kala cayne
Dharaaraha cartamayaa khalqiga caynba cayn u ahe
Camalkeeda noocaasa buu ciidan u ahaaye
Calankiyo dalkiisuu ahaa ruux cumaamadane
Caammada, saboolka, iyo intii dani culaysiisay
Isagaa u ciil-tire ahaa lama cadaabaane,
Aheey waxaan la koobayn intuu ceeb ka dhiidhiyaye
Aheey waxaan la koobayn intuu caawiyee kabaye
Aheey waxaan la koobayn intuu curiyey sooyaale
Caddad laguma koobiyo odhaah Maxamed Caynkiiye
Cisho laguma soo guurin karo camalsankiisiiye
Cil-cilowgan gees kale hadaan caynka ku iftiinsho
Qof cibaado badanbuu ahaa oo eebbe caabuda..
Carrab Dalableh kuma sahamin jirin cuud intuu rabo’e
Caasi waalid kuma sheegahayn caa’iladdu guude
Caawaba haddii iilka cullan loo cayimay maanta
Taariikhdu way caato bixin geedka ciirsamaye
Amintaanu ciidiyo dhagax caddaha hoos geyno
Ee ruuxda lagu soo ceshee loo camiro buugga
Allahayoow su’aalaha culus culus celin jawaabtooda
Haku dhibin casiisoow adaa caalimoo jira’e
Eebboow cidhiidhiga qabriga waasac ugu caymi
ka Xorree caddaabkiyo rabboo Naarta holaceeda
ku casuun raxmaanoow jannada midhaha ceegaaga
cal-calyada fardowsiyo, Al-rayaan ha u hirqado caanno
Cawdiisa eebboow u gogol goob nimcadu cimidho
oo caasaabadii Rasuulkiyo ka yeel culimadii diinta..
..Aamin Aamin Aamin….
Saleban Abdi Ali / Chief Editor
+252 63 634229772 | +252 63 4475736
editor@gobanimonews.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment