Wednesday, December 24, 2014

Madaxweyne Obama Oo Markale Ka Hadlay Go’aanka Shirkadda Sony Ku Qaadatay Sii Daynta Film-kii Muranka Dhaliyey

Washington:Dec,24,2014(Himilo)-Madaxweynaha Dalka Maraykanka Barack Obama, ayaa mar kale muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay Go’aanka Shirkadda Sony Pictures ku shaacisay inay sii daynayso Film-kii Muranka Dhaliyey ee The Interview.

OBAMAObama ayaa Go’aankan dambe ee shirkadda Sony ku sheegay mid bogaadin mudan, maadaama ay beddeshay Go’aan ay hore u gaadhay oo ahaa inay Joojisay Baahinta Filmkaas.

Shirkadda Sony ayaa hore u sheegtay inay joojinayso Film-kaas Baahintiisa, maadaama lagu sameeyey Xatooyo Xagga Computor-rada ah oo kaga Timi dhinaca Dalka Waqooyiga Kurea.

Shirkadda ayaa Haatan ku dhawaaqday inay Beddeshay Go’aankaas Hore, isla-markaana ah Filmkaas Qaybo kamid ah Baahin doonaan Ayaamaha Lagu jiro Kirismiska oo haatan Foodda inagu soo haya.

Film-kan, ayaa waxa uu yahay mid Majaajilo ah, isla-markaana si khiyaali ah loogu metelayo dil loo geysanayo Madaxweynaha Dalka Waqooyig Kuriya.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment