Tallaabada Saraakiisha sar-sare ee AMISOM xilka uga qaadeen Sarkaal Afhayeenka u ah, ayaa ku timi cadho ka dhalatay hadal Afhayeenku shalay kaga hadlay arrimo la xidhiidha amniga xarumaha Ciidamada AMISOM iyo Ciidda Kooxda AL-Shabaab u fududaysay inay weerar ka fuliyaan gudaha Xeryaha ay deggen yihiin Ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho.

Qoraal xalay ka soo baxay Talista Guud ee AMISON, ayaa lagu shaaciyey inay xilkii ka qaadeen, isla markaana aanu Kornayl Cali Xaamud waxii immika ka dambeeya ku hadli karin Afka Hawl-galka ILaalinta Nabadda ee Midowga Afrika.
“Ciidamada AMISOM waxay xaqiijinayaan inaanu Col Cali Xaamud ahay afhayeenkooda. Intaa ka dib, waxaan iska fogeynaynaa warbixin kasta oo uu sheegay, isla markaana sheegaynaa in warbixinta uu bixiyey fikirkiisa ku kooban yahay oo aanu ku metelin AMISOM,” Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed AMISOM xalay ku baahisay bartooda Internetka.
Hadalka uu bixiyey ee Talista AMISOM xilka kaga qaadeen afhayeenkoodii hore Col. Cali Xaamud oo u dhashay dalka Jabuuti, waxa uu ku sheegay in cadaawad iyo shaki u dhexeeya ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalidu uu keenay in weerar lagu soo qaado xaruntooda Guud oo ku taala magaalada Muqdisho.
“Ma dhici karto hadii aanay xumaan iyo cadaawad u dhexeysa Ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM jirin inay sidan oo kale dhacdo, baadhitaankeediina waan wadnaa,” ayuu yidhi Col. Xaamud oo ka hadlayey weerarka Khamiistii dorraad kooxda Al-Shabaab ku qaadday xarunta looga taliyo AMISOM ee magaalada Muqdisho oo ay ka dhextooseen dagaalyahanno lagu qiyaasay Siddeeed nin oo ku lebbisan dirayska Ciidamada Soomaaliya, kuwaas oo muddo dhowr saacadood ah gudaha xeradaas kula dagaalamayay Ciidamada AMISOM oo ay Khasaare dhaawac iyo dhimasho leh u geysteen.
Afhayeenka la casilay ee AMISON, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Ciidanka AMISOM tayada ay doonayaan ha yeeshaan ciimado Soomaaliyeed oo la dhiso la’aantood meel ma gaadhayaan.”
Dhinaca kale, talaabadan ciidamada AMISOM xilka uga qaadeen afhayeenkoodii hore Col. Cali Xaamud, ayaa la filayaa inay saamayn ku yeelato xidhiidhka u dhexeeya dalka Jabuuti oo ciidamo tiro badan ka joogaan Soomaaliya, isla markaana xilka keliya ee maamulka AMISOM ku lahaayeen ahaa afhayeenka xilka laga qaaday.
No comments:
Post a Comment