Marxuumka ayaa Halkaas loogu qaaday Dhaawac culus oo kasoo gaadhay Shil gaadhi oo maalintii Khamiistii iyo isaga iyo laba saxafi oo kale ku galeen Waddada u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa, waxana uu geeriyooday kadib markii lagu sameeyey Qalliinka.Waxa la filayaa in marxuumka meydkiisa Hargeysa loosoo qaado si loo aaso, waxana la wadaa qalqaalada aaskii loo samayn lahaa.
Maxamed-rashiid maxamed Faarax ayaa kamid ahaa dhallinyarada Firficoon ee wakhtiyadan dambe u heellanayd kor u qaaddida magaca saxaafadda dalka, waxanna lagu xasuusan doonaa Halgankiisii uu ku doonayey inuu dalku yeesho saxaafad xorriyadeeda gacanta ku Haysata.
Bahweynta Himilo waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Ehelkii, qaraabadii, xaaskii, carruurtii iyo Bahda Saxaafadda ee uu ka Geeriyooday Marxuum Maxamed-rashiid Maxamed Faarax, waxana ay eebe uga Baryayaan inuu Jannadii Firdowsa ka waraabiyo.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment