Thursday, December 25, 2014

Ammaanka Magaalooyinka Waaweyn Ee Kenya Oo La Adkeeyey Iyo Cabsi Laga Qabo Weerarro Shabaabka Ka Yimaadda Ayaamaha Fasaxa Ciidda Misiixiga

Nairobi:Dec,25,2014(Himilo)-Gebi ahaanba waxa la xoojiyey Ammaanka Guud ee Kenya, iyadoo si gaar ah loo sugayo Amniga      Magaalooyinka waaweyn ee Dalkaasi ku yaalla.

raroXaaladdan cusub ee Kenya gashay ayaa ka dambaysa cabsi xooggan oo laga qabo in kooxa Shabaabku ay maalmaha lagu jiro ciidda Chrisma-ska soo qaadaan Weerarro lagu qaaday Goobaha dadku ku Badan yihiin.

Afhayeenka Ciidamada Bilayska Kenya, Zipporah Mboroki ayaa sheegay in maanta aad loo adkeyay ammaanka magaalooyinka waa weyn ee dalka Kenya oo dhan, isla markaasna dib loo howl-galiyay ciidamo fara badan oo Boolis ah kuwaasoo xitaa qaarkood laga jooji-yay fasaxyo ay ku jireen si ay oga qeyb qataan sugida amniga, inta ay socdaan damaashaadyada Kirismaska iyo Sanadka cusub sida uu sheegay.

“Feejignaan sare ayaa la galiyay dhammaan ciidamada Kenya, waxaana lagu amray inay tallaabo ka qadaan cid kasto oo ay falal argagaxiso uga shakiyaan, isla markaasna waxaan lagu amray ciidamo badan oo fasax ku maqnaa iney dib shaqada ugu soo laabtaan oo ay sugida amniga ka qeyb qataan”ayuu yidhi Afhayeenka Booliska Kenya.

Dhanka kale, dowlada Kenya ayaa ka codsaday dadka Kenyaanka ah iney ka digtonaadaan inta lagu jiro dabaal-dagyada wax kasto oo dhibaato u keeni karo, isla markaasna waxey dowladu sidoo kale ka codsatay shacabka iney ku wargaliyaan laamaha amaanka hadii arkaan wax khatar sababi kara.

Magaalada Mombasa ee xarunta gobalka xeebta ayaa sidoo kale maanta kor loo qaaday sugida amnigeeda waxaana la geeyay ciidamo tiro badan, iyadoona ay ku soo beegmeyso adkeynta amniga xili dadka Masiixiyiinta ah ay maanta u dabaal dagayaan Munaasabada Kirismaska, isla markaasna waxey sidoo kale ku soo aadeysaa xilli shalay xilka Wasiirka arrimaha gudaha Kenya loo dhaariyay Joseph Nkaissery oo hore loogu magacaabay xilkaas oo laga qaaday Wasiirkii hore jagadaas u hayay Joseph Ole Lenku.

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery, ayaa isna hadal uu warbaahinta ugu tala galay markii xilka loo dhaariyay kadib wuxuu ku sheegay inuu ka qaaday Jaziirada Laamu ee ka tirsan gobalka xeebta Kenya Bandowgii saarnaa, balse wuxuu sheegay iney sii joogi doonaan ciidamada halkaas ku sugan.

Maanta oo taarikhdu ay ku beegan tahay 25-ka December, ayaa inta badan dadka Masiixiyiinta ah waxey u dabaal dagayaan Christmas-ka, waxeyna dhigtaan damaashaadyo iyo Xaflado ay dad badan iskugu yimaadaan.

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment