Tuesday, December 23, 2014

Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya oo Wali Mowqifyo kala-duwan ka taagan Natiijada Wada-hadallada labada waddan

Hargeysa/Muqdisho, 23 Dec, 2014 (Himilo)- Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay natiijada Kulan fool-ka-fool ah oo Axaddii todobaadkan ku dhexmaray magaalada Jabuuti oo labada dhinac ku kala-saxeexdeen heshiisyo hor oo lagu xoojinayo wada-hadallada u dhexeeya labada waddan ee Somaliland iyo Soomaaliya.
Xasan-SiilaanyoMadaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka dib markii isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa ka soo laabteen dalka Jabuuti, ayaa sheegay inuu dhiggiisa Soomaaliya kala hadlay sidii meel layskula dhigi lahaa isla markaana meel layskula dhigi lahaa qodobbada laysku khilaafsan yahay ee madax-bannaanida Somaliland iyo doodda Midnimada ee dawladda Soomaaliya.
“Aniga iyo Weftiga ila socdaba farxad weynbay noo tahay inaanu dalkii hooyo ku soo nabad-noqonno. Waxaanu ku maqnayn dalka Jabuuti halkaas oo aanu marti-qaad ka helnay madaxweynaha Jabuuti oo aanu ku kulmaynay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefti la socday, annaga oo ka wada-hadlaynay danaha labada waddan, annaga oo ka wada-hadlnay wixii naga dhexeeyey iyo wixii aanu isku khilaafsanayn,” sidaas ayuu yidhi madaxweynuhu, waxaanu intaas raaciyey hadalkiisa, “Innaga oo og dal aynu walaalo nahay inuu ahaa oo ay ku kala baxnay oo aynu madax-bannaanideenna la soo noqonnay oo ay haddana wax walba dunidu wada-hadallo joogto noo furtay, taas oo annaguna aanu ka dhaadhicinaynay qaddiyadda Somaliland waxay tahay, mowqifkayagana aanu u caddeynaynay.”
Haseyeeshee, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Axaddii Doraad ka dib markii uu dhammaaday kulanka dhexmaray madaxweynaha Somaliland dib ugu noqday magaalada Muqdisho, ayaa isagu natiijada kulanka dhexmaray iyo ujeeddada wada-hadallada labada waddan ku tilmaamay mid ay ka rejaynayaan is-faham laga gaadho midnimada dalweynihiii laysku odhan jiray Soomaaliya.
War-murtiyeed ay ku saxeexan yihiin labada madaxweyne oo kulankaas ka soo baxay, ayaa lagu xusay in dar-dargeliyo wada-hadalladii u dhexeeyey labada waddan, iyada oo bisha February ee sannadka dambe lagu ballamay inuu ka furmo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
“Magaalada Istanbul oo ay wada-hadallada Soomaalidu ka socon jireen in dib laysugu noqdo oo wada-hadalladii halkoodii laga sii wado, ayaanu ku ballannay, sannadka Cusub ee 2015 waxaan rejaynaynaa inuu noqdo sannad horumar guud ahaan dalka Soomaaliya uu gaadho, gaar ahaan arrin midnimada in horumar badan laga sameyn doono haddii Alle yidhaahdo,” Sidaas waxa yidhi Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaarada ee Muqdisho maalintii Axadda ee todobaadkan oo uu ku laabtay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment