Maxuu ka yidhi xidhiidhka ay wadaagaan Suldaan Xasan iyo mowqifkiisa musharaxiinta beesha
Hargeysa 21 December, 2014 (Himilo)- Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa markii koowaad si adag uga hadlay go’aan lagu sheegay in beeshiisu ku kala reebeen musharixiin u tartamaya jagada madaxtinimada ee xisbiga KULMIYE, isla markaana weedho hoga-tusaalayn ah u celiyey hadal Suldaanka Guud ee beesha Subeer Awal ku duray hankiisa musharaxnimo marka Madaxweyne Axmed Siilanyo dhamaysto muddo xileedkiisa labaad.
Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo shalay hadal ka jeediyey munaasibad kulmisay Aqlabiyadda salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka Sacad Muuse oo si mug leh loogu taageeray go’aan guddiga horumarinta beeshaasi ee shirkii Hoodaale ku kala reebeen siyaasiyiinta shaaciyey inay murrashaxiin ka yihiin xisbiga KULMIYE kadib Madaxweyne Siilaanyo, iyagoo ku doortay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ay ka reebeen Wasiirrada Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis.

Haddaba, Md. Samaale oo maanta u warramay Weriye Maxamuud Walaaleye, waxa uu sheegay inuu tixgelinayo oo uu qaddarin ka mudan yahay Suldaan Guud ee Beelaha Subeel Awal, balse waxa uu wasiirku Suldaanka kula gar-naqsaday inaanay sharaftiisa iyo magaca saldannada uu xambaasan yahay aanay u qurux badnayn inuu u kala eexdo siyaasiyiinta uu suldaanka u yahay ee kala ah Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Wasiirka oo ugu horeyn la weydiiyey sida uu u arko go’aanka uu Suldaanku dhowaan ku shaaciyey in madax-dhaqameedka iyo wax-garadka beeshu isku raacday murashaxnimada madaxweynaha ee Kulmiye inuu yahay Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ku jawaabay, “Suldaan Xassan waa nin walaalkay ah, waa nin saaxiibkay ah, waa nin inaadeer-kay ah, runtii, waa suldaankii guud ee reerka, suldaanimadiisa ayaan ku ixtiraamayaa, xilka qaran ee reerka uu u hayo ayaan ku ixtiraamayaa oo ku qadarinayaa, waxaan leeyahay saddexdayadaba, (Cabdicasiis Samaale, Maxamed Biixi, iyo Muuse Biixi) suldaan ayaad u tahay, oo waalid ayaad u tahay, kuuma qurux badana, ilamana fiicna, saddexdayada inaan mid raacdo.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi, “Suldaan Xassan, saddexdayadaba kaad raaco iyo kaad ka tagtaba waxuu tisanayaa xaqdarro, sababtoo ah halkii lagu tartamayey, laguna kala baxayey weli lama gaadhin, markaa ayuu waajibku yahay in ka kale la yidhaahod isagaa soo baxay, oo kaga soo baxay tartankii musharaxnimada golahii dhexe, marka waxa laga hadlayo tahay musharaxnimada madaxtinimada, Madaxweyne Axmed Siilanyo dabadii, maalintaa inaad la sugto hadalkaaga, oo ka soo baxa mooyee ka kale ku tidhaahdo la shaqee, isagaa la doortee, oo go’aanka kama dambaysta ah ee golahii dhexe xisbiga KULMIYE ka soo baxay aqbal tidhaahdid.”
Wasiirka Maaliyadda Samaale ayaa sheegay inay kala duwan yihiin hawlaha dhaqanka iyo kuwa siyaasada, una qurux badnayd inuu dhexgalo Suldaan Xassan oo xaq-dhowr weyn ka mudan, waxaanu yidhi, “Suldaan Xasan, waa suldaankaygii waan ixtiraamayaa, laakiin hawsha siyaasadu, siyaasad weeye, laakiin maaha hawl la xidhiidha dhaqan. lama caleemo saarayo suldaan, lama caleema-saarayo caaqil, lama caleema-saarayo boqor.
“Marka ay tahay siyaasi xaq leh, oo damac madaxweyne leh, inuu xisbiga ka soo dhexbaxo ayaa waajib ah, inuu golaha dhexe laga doorto ayaa waajib ah. Murashaxa madaxtinimada ee xisbiga KULMIYE doorashada soo socota waa Madaxweyne Siilanyo, murashaxa xisbiga madaxweyne Siilanyo dabadeedna waa ninka aqlabiyada golaha dhexe ee xisbiga hela, taana saddexdayada iyo inta kale ku soo biirtaba Suldaanku dhex buu u yahay inuu sugo runtii weeye,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Samaale.
Xog-waraysiga Wasiir Samaale siiyey Wargeyska HIMILO oo markii ugu horeysay uu faahfaahin kaga bixiyey mowqifkiisa go’aankii khilaafka dhaliyey, xilliga uu bilaabmay hankiisa hogaaminta Somaliland, caqabadihii soo waajahay, taladii iyo dhinacyadii ka codsaday inuu tartanka guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE uga hadho Muuse Biixi Cabdi, iyo shuruudahuu kaga sii afeeftay, iyo dhinacyo kale kala soco Wargeyska Himilo Caddadkiisa maalinta Salaasada ee todobaadkan.
No comments:
Post a Comment