Afeef: waa hadalo kaftan ah oo aanan ugu talogelin inay wax dhib ah soo gaadhsiin Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Somaliland oo Sharaf iyo Qadrin inaga muddan. Kuma jirto cay iyo aflagaado shakhsi ahi, balse waa qormo kaftan ah.
Guddoomiye C/raxmaan C/laahi Cirro
Mooshinkii Kursiga lagaaga qaadayey waa diyaar
Kulmiye iyo Xukuumadii way kuu midoobeen
Waddani difaac ayuu ku jiraa
Gudd. Ku-xigeen Baashe ayaa kursiga kaa qaadaya
Ma taqaanid hadalka khudbada
Labada xil dastoorku ma ogol
Ucid ayaa mucaaridnimada kaaga fiican
Baarlamaankii ayaad xukuumada gacanta uga gelisay
Waxaad u baahan tahay Kooras khudbadaha lagugu baro
Xeeladaha su’aalaha lagaga jawaabo waxba kama taqaanid
Hadalka inta qosolka leh ayaad ka taqaan
Mooshin ayey xukuumadu kugu wadaa
Musharaxa xisbiga Gaboose ayaa kaaga haboon
Faysal Cali Waraabe ayaa kaa af-miishaarsan
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Siyaasi ma tihid.
Jabhad ayaad tahay.
Madaxweyne ma noqon kartid.
C/casiis Samaale ayaa kaa taageero baddan.
Dadka ma soo jiidan kartid.
Xisbiga Kulmiye wuu kala jabayaa.
Af-miishaar ma tihid.
Siyaasad fur-furan ma taqaanid.
Guurtidda ayaa u kordhinaysa Siilaanyo.
Haddii musharaxnimada lagaa helo maxaad sameyn?
Xisbiga dhexdiisa taageero kuma haystid
Maxaad uga noqotay musharaxnimadii M/weynaha?
Buudhi ayaa lagaa kireeyey.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe
Ucid wuu baabay, waana la iibinayaa
Jamaal Cali Xuseen musharaxnimada miyaad kaga noqnaysaa?
Faadumo Siciid maxay waddani ugu biirtay?
Ucid ,Xisbiga waddani ayaa ka taageero baddan
Xisbi mucaarad ah lama moodo ucid
Xukuumada ayaa guri kuu dhisaysa
Dad miisaan lehi kuma soo biiraan Ucid
Hangoolka iska dhig
Hadalada uma fiirsatid
Waad xanaaq dhowdahay
Xukuumada ayaa Guri kuu dhisaysa
Tilifishanka Qaranka ayaa warkaasi sheegay
Maxaad Guddoomiyenimada u bannayn weyday?
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment