
Inkastoo ay adag tahay in la helo faah faahin rasmi ah, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegaya in qaraxyadii xalay ay maqleen abaarihii 2-da habeenimo, isla markaana ay ahaayeen duqeymo fuliyan diyaaradaha Drones-ka loo yaqaano.
Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa war kooban oo ay soo saartay ku xaqiijisay in weerarkaas uu jiro, isla markaana la qiimeynayo sida ay wax u dhaceen.
“Waqtigan la joogo, waxaa la qiimeynayaa in sida wax u dhaceen iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay”ayaa lagu yidhi warka qoraalka ee ka soo baxay Pentagon-ka
Sidoo kale Waaxda difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in sida ugu dhakhsiyaha badan looga soo saari doono warbixin ku aadan natiijada weerarkan.
Mareykanka ayaa ilaa iyo hada magacaabin hogaamiyaha la beegsaday iyo in weerarka lagu qaaday kolonyada uu ahaa mid guuleystay.
Weerarkan ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli sabtidii la soo dhaafay uu isa soo dhiibay Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo lagu magacaabayay Zakariye Ismaaciil Xirsi oo hore Mareykanka madaxiisa uu dul dhigay 3-milyan oo doollar.
Al-Shabaab ayaa ilaa iyo hada ka hadlin warka ka soo baxay Mareykanka ee ahaa in duqeyn cirka ah ay ka fuliyeen Soomaaliya.
1-dii bishii Septemer ee sanadkan ayay aheyd markii duqeyn cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyay deegaan ka tirsan Shabeellaha Hoose lagu dilay Hogaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment