Hargeysa, 28 Dec, 2014 (Himilo)- Laba ka mid ah maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa, aya dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen Rasaasta la sheegay inay kaga feketay Askari ka tirsan Ilaalada Xabsiga Dhexe.
Dhaawacyada labada Maxbuus oo xaaladdooda caafimaad culus tahay, ayaa isla markiiba loo cararay cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa oo adeegyo caafimaad loogu fidiyey wakhtiganna lagu dabiibayo.
Dhakhaatiirta iyo maamulka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo aanu la xidhiidhay xalay, ayaan noo suurto-galin inaanu ka helo xog faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee labada maxbuus. Balse goob-jooge wakhtigan dhaawacyada la geeyey ku sugnaa cusbitaalka Guud, ayaa Himilo u sheegay in dhaawacyada labada maxbuus oo xaaladdoodu caafimaad liidato ay ku mashquulsanaayeen dhakhaatiirta cusbitaalka Guud.
Lama oga sababta rasmiga ah iyo waxa sababay toona dhacdadan, balse saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta oo Himilo la xidhiidhay, ayaa noo sheegay inay rasaastu kaga feketay labada maxbuus qori uu sitay mid ka mid ah Askarta ilaallada ee Xabsiga, waxase uu ka gaabsday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo sida ay dhacadadani ku timi.
Haseyeeshee, xogo Wargeyska Himilo ka helay ilo-wareedyo dhacdadan wax ka ogaa, ayaa noo sheegay inuu jiray Isku-dhac iyo khilaaf dhex maray Askariga ilaalada ah iyo maxaabiista labada ka midka ah rasaastu qabsatay.
Nooma suurta-gelin inaanu helno magacyada labada Maxbuus ee dhaawacyadu soo gaadheen iyo askariga ka tirsan Ilaalada Xabsiga Dhexe.
Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa oo ku yaalla badhtamaha Caasimadda, ayaa tiraba dhowr jeer laga fuliyey isku-dayo ay ku baxsadeen maxaabiista ku jirta oo qaarkood u xidh-xidhan yihiin fal-dambiyeedyo isugu jira Argagixiso iyo budhcad-badeednimo, kuwaas oo horaantii sannadkan ka baxsaday xabsiga balse markii dambe lagu guulaystay in dhammaantood gacanta lagu dhigo.
No comments:
Post a Comment