Esklistuna:Dec,26,2014(Himilo)-Booliska Dalka Sweden ayaa raacdo ugu jira Dadkii Gubay Masaajid dadka Muslimiinta ahi ku cibaadaysan jireen oo ku yaalla Magaalada Esklistuna oo la arkay isagoo Si xoog ah u gubanaya.

Wararka soo baxaya ayaa sheegay in dabka masaajidkaas la qabadad siiyey ay ka dambeeyeen Dad cunsuriyiin ah oo ay ku weyntahay Nacaybka islaamnimadu, kuwaas oo ku dhaqan Magaalada Masaajidkaasi ku yaallay.
Booliiska dalka Sweden ayaa baadhitaano xoogan wada waxaana hareeraha Masjidka dhooban gawaadhida dab-damiska kuwaas oo daminaya gubashada Masjidkan .
Ilaa hada lama garanayo inta qof ee wax ku noqotay maadaama dadku ay inta badan fasax ku jireen waxaana la xaqiijiyay in gudaha Masjidka ay ku sugnaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment