Wednesday, December 31, 2014

Madaxweynaha Jabuuti oo sifeeyey Isbeddelka Bangiyada Islaamiga ahi ku keeneen Dhaqaalaha Dalkiisa

Jabuuti 31 Dec, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa sheegay in bangiyada ku shaqeeya nidaamka islaamiga ahi ka jebiyeen dalkiisa waxa uu ku tilmaamay Xabsi iyo kooto bangiyada Ribada ku shaqeeya ku haysteen. xilli la qorsheeyey in dalkaasi hoy u noqdo bangiyada ugu badan ee ku shaqeeya nidaamka islaamiga waddamada Qaaradda Afrika.
saba-islamic-bank-in-yemenSida lagu baahiyey wargeyska dhaqaalaha caalamka ka hadla, qiimayn baanka dhexe ee jabuuti soo saaray ayaa lagu sheegay in bangiyada ku shaqeeya nidaamka islaamigu taageero ka geysteen koboca horumarka dalka dalkaas.
“Afar bangi oo nidaamka islaamiga ku shaqeeya oo siddeedii sannadood ee u dambeeyey laga furay Jabuuti waxay xilligan maamulaan boqolkiiba 15 ilaa 20 % saamiga suuqa,” Sidaas waxa lagu sheegay qoraal bangiga dhexe jabuuti ka soo saaray qiimaynta uu sameeyey.
Jabuuti oo sannadkii 2006 ku yaaleen laba bangi oo dalka Faransiiska laga leeyahay, ayaa siddeedii sannadood ee u dambaysay laga hirgeliyey toban xarumood oo ay ku jiraan Afar Bangi oo Islaami ah.
“Keliya bangiyada nidaamka islaamigu nagama jebin xabsigii bangiyada ku shaqeeya ribadu nagu haysteen, balse waxay naga caawiyeen inaan isbedel ku samayno maalgashiga,” Sidaas waxa yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele mar uu hadal ka jeedinayey shirkii nidaamka dhaqaalaha Afrika bishii November ee sannadkan.
Sidoo kale, waxa arrintan sharraxaad ka bixisay isbeddelka ay kukeentay dhaqaalaha Jabuuti masuul ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Jabuuti.
“Bulshadayadu waa muslim, markaa, si weyn ayey u soo dhoweeyeen shaqada bangiyada nidaamka islaamiga ku shaqeeya, maadama ay fuliyaan baahidooda,” Sidaasna waxa sheegtay Maryam Xamadu oo ah agaasinka dhaqaalaha ee wasaarada dhaqaalaha iyo maaliyada jabuuti.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment