Saturday, December 20, 2014

Nuxurka Safar Saaka Madaxweyne Siilaanyo Ugu Ambabaxay Dalka Djibouti Iyo Kulamo Uu La Yeellan Doono Dhiggiisa Somalia

Hargeysa:Dec,20,2014(Himilo)-Madaxweyne Siilaanyo iyo Wafti uu hoggaaminayo, ayaa saaka u amababaxay Dalka Djibouti oo la filayo inuu kula kulmi doono dhiggiisa Somalia oo lagu wado inuu halkaas soo gaadhi doono.

ehoMadaxweyne Siilaanyo ayaa safarkiisa waxa ku wehelinayey Wasiirro ay kamid ahaayeen Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyadu, iyadoo sidoo kale ay wehelinayeen Xildhibaano iyo Shakhsiyaad kale oo Madaxtooyada shaqadoodu la xidhiidho, isla-markaana madaxweynaha si gaar ah iskugu dhaw yihiin.

Magaalada Djibouti ayaa la filayaa inay ka furmaan Wada-hadallo u dhexeeya somaliland iyo Somalia,kuwaas oo ay labada madaxweyne Ibo furi doonaan, isla-markaana Beesha caalamku dabada ka riixayso.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi oo ka hor intii aanay waftigu duulin warbaahinta la Hadlay, ayaa Hadalkiisa ku sheegay inay ka qaybgeli doonaan wada hadal ay la leeyihii dhigoodda Somalia, kaas oo aanu faahfaahin ka Bixinin, balse uu sheegay inay soo noqodka faahfaahin doonaan.

Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa la sheegayaa inuu wada Hadalladan dhexdhexaadin doono, waxana Goob joog ka noqon xubno beesha caalamka ka socda oo Arrimaha Wada Hadallada si dhaw u la socday oo ay xukuumadda Turkigu Kaalin weyn ku leedahay.

Wada-hadallada labada dhinac ayaa lagu wadaa inay Toddobaadkan Bilaabmaan, waxana ay dib uga dhaceen Toddobaadkii hore oo la doonayey inay bilaabaan, iyadoo sababtuna ahayd Madaxweyne Xasan Sheekh oo Magacaabista Ra’isal wasaaraha ku mashaqaysnaa.

 

Himilo

No comments:

Post a Comment