
Ciidamada Dowladda oo isku gadaamay gurigii uu ku sugnaa Sakariye Ismaaciil Xersi, ayaa waxaa suurta gashay in si nabdoon uu isugu soo dhiibo, iyadoo aanu samayn wax iska caabin ah, waxaana lala soo qabtay hal nin oo xoghayn u ahaa, kaasoo lagu magacaabo Aadan Maxame Maxamuud (Jilbo Weyne).
Warar aan la xaqiijin karin, ayaa waxay sheegayaan in Sakariye Ismaaciil Xersi uu isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda Somaliya, sidaana uu ku yimid guriga ku yaala afaafka hore ee Degmada Ceelwaaq.
Dowladda Mareykanka, ayaa saddex milyan oo lacagta Mareykanka ($3,000,000) dul dhigtay madaxa Sakariye Ismaaciil Xersi, badhtamihii sanadka 2012-ka, xilligaa waxay aad isugu wanaagsanaayeen Amiirkii Ururka Al Shabaab ee la dilay Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane). Markii dambena waxa uu ka mid ahaa Saraakiishii Shabaabka ee uu go’doomiyay Ina Godane.
Sakariye, ayaa ahaa Madaxii Sirdoonka Ururka Al Shabaab ee Afrikada Bari (Geeska Afrika), waa intii uu cilaaqaadka kala dhaxeeyay Godane, iyadoo kolkii dambe la xusuusto in Shabaabku uu kula dagaalamaayay Gobolkaasi Gedo, oo deegaan ahaan uu ka soo jeedo.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment