Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax Caalin, ayaa maanta lagu aasay magaalada Hargaysa Illaahay naxariisti janno ha siiyo oo haka yeelo inta ku galadaysata qabriga, kana mid ahaata inta ku aroorta safka Rasuulka CSW. Maxamed-Rashiid wuxuu ahaa nin aan hagrasho lahayn, waxaana muujinaysay sida dadku ugu marag kacayeen, taas oo aniga i xasuusinaysa dhawr jeer oo aanu hawl wada galnay sidii lama ilaawaanka ahayd ee uu uga soo dhalaalay. Kali kuma ahi inta ka mana sheeganaysay ee badi inti ay hawl-wadaagta ahaayeen wuxuu ku lahaa abaal weyn Maxamed-Rashiid Illaahay ha u naxariistee wuxuu ahaa hawl kar intii aan aqaanayba ahaa xoogsade shaqadiisa ku sharfanaa. Wuxuu ka mid ahaa intii dhidibada u taagtay saxaafadda gaar ahaan jaraa’idada, oo ogaalkay uu kazoo shaqeeyey jaraa’idkii ugu horeeyey ee hana qaada kaas oo ah Jamhuuriya, wakhti ka dib wuxuu u wareegay jaraa’idka Haatuf, markii dambana wuxuu aasaasay jaraa’iidka ilaa hadda shaqeeya ee Saxafi. Maxamed-Rashiid Illaahay ha u naxariistee waxa aan la ilaawi karin sida uu uga hawl gali jiray saxaafadda marka ay cadaadiska la kulanto, waxaana kaaga filan oo illaa hadda la xususan karaa sidu uga hawl gali jiray soo daynta jaraa’idka Hubaal.
Maxamed-Rashiid Illaahay ha u naxaristee aaskiisu wuxuu ahaa mid badi mujtamaca reer Hargaysa kasoo wada qayb galeen, oo cid ka maqnaydba yarayd, kaasoo aad odhan karaysay wuxuu ka mid ahaa aasaska ugu tirada badnaa ee ka dhaca dalka. Waxa aan qalinka u qaatay waa laba mid uun; sidii aynu ugu diyaar garoobi lahayn geeridan oo kale oo lama huraan ah inay ina wada qabsanayso iyo in aynu isku diyaarino sida Maxamed-Rashiid Alle ha u naxariste loo aasay oo aynu noqono qaar loo aaso.
Qof kasta oo kasoo qayb galay aaskiisu wuxuu ahaa mid murugaysan, oo aad moodayso inuu kaligii ka baxay. Murugada ka wada muuqatay oo ku tusinaysa sida ay iskugu dhawaayeen Marxuumka qofkaas, balse qof ma ahayne idilkood intii aaska timid ayey wada ahaayeen, waxa aan maqli jiray qof kasta malaa’iigtiisa ayaa aasta, maanta Marxuumka wixii khalqi kasoo qayb galay aaskiisa dad la tirin karayo may ahayn. Taas oo ah in qof kasta isku dayo inuu dad beerto, sama-fale ahaado, dadku u sinaadaan, saaxiib deeqsi ah ahaado, qof dadku isku soo halayn karaan uu noqdo, ma hagradena ahaadol. Waxa hubaal ah in Maxamed-Rashiid Illaahay qabriga haw nuuriye intaaba ku sifaysna, waxaana ila garan kara qof Maxamed-Rashiid hawl ay wada galeen.
Waxa iyaduna xusuusin u baahan in aynu ogaano sidii Maxamed-Rashiid oo inala joogay oo caafimaad qabay sida degdega ah ee shilka iyo geeridu isugu habsatay in ay inana geeridaasi ina wada sugayso. Waan sii xusuustaa wali maalinta shilku ku dhici doono kaftankiisii iyo siduu u fadhiyey, taas oo ah mid aanan wali ilaawin. Waxa Rasuulka CSW ka sugnaaday xadiis odhanaya “waxa aad had iyo goor xusuusnaataan ta macaanka jarta oo ah geerida”, inagu intee ayeynu haddaba xusuusanaa, mise isleenahay taas oo kale wakhti dhaw ayey ku sugaysaaye maxaad usii shaqaysatay.
Waa maalin magacaagu Mayd noqon doono, waa maalin hugaagu kafan ahaan doono, waa maalin hoygaagu xabaal isu bedeli doono, waa maalin su’aal iyo su’aalo ku sugayaan ee maxaynu u diyaarsanaynaa walaalayaal. Geerida saaxiibkeen iyo walaalkeen aynu u noqono qaar usii sahay qaata. Rasuulka CSW ayaa lasoo hor mariyey mayd la aasayo markaasu yidhi :- “walalaayaal tan oo kale u diyaar garooba”, maanta walalayaal geerida Maxamed-Rashiid oo kale way inagu imane aynu u diyaar garoowno.Illaahay waxa aan uga baryayaa Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax Caalin inuu qabriga u waasiciyo nuur u ahaado, janatul Fardowsa ku manaysto, ka yeelo intuu ka raalida yahay, u aqbalo ducadii kumanaanka qof ee jinaasadisa ku tukaday, kana yeelo kuwa ku aroora darka Rasuulka CSW Allahuma Aamin Aamin Amiin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment