Hargeysa (Himilo)-Masuuliyiinta dawlada Somaliland iyo dadweyne tiro badan oo dhamaantood ka tiiraanyeeysan geerida naxdinta leh ee ku timid marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax ayaa soo gaadhaya xarunta warbaahinta Himilo Media Group waxaanay kala yihiin:-
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
TACSI: Madaxweynaha Somaliland
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada Somaliland, Ururka suxufiyiinta ee Solja iyo Wargeyskii uu ka tirsanaa ee Saxafi. Sidoo kale waxa uu tacsi taasi la mid u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday Nairobi-Kenya 29/12/2014, loona geeyey xaalad caafimaad ka dib dhaawac ka soo gaadhay shil baabuur, ka dibna lagu aasay Magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay inuu kaalin mug leh ka soo qaatay dhismaha dhaqaajinta iyo hirgelinta saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland, muddo dheerna waxa uu ka mid ahaa hogaanka ururka saxaafada Somaliland ee Solja.
Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Ubadkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin…………….Aamiin…………….Aamiin.
TACSI:Xisbiga Kulmiye
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta, Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu Tacsi u dirayaa qoyskii,qaraabadii, Asxaabtii iyo Bahda saxaafada Somaliland ee uu ka baxay Xoghayihii Ururka Solja Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday magaalada Nairobi kadibna lagu aasay Magaalada Hargeysa.
Guddoomiye Biixi wuxuu Alle uga baryayaa marxuumka inuu u naxariisto Eheladii,qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iiman ka siiyo.
Aamin…………..Aamin…………… Aamin.
TACSI: Xisbiga Ucid
Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Inj Faysal Cali Waraabe oo ku hadlay magaciisa ka hogaanka xisbiga, musharixiinta jagada madaxweynaha iyo ku xigeenka, gudiga fulinta, golaha dhexe, laamaha gobolada iyo dibada iyo dhamaan taageerayaasha xisbiga Ucid waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, ehelkii, bahda saxaafada iyo guud ahaan qaranka Somaliland oo uu ka tacsiyeeynayo geerida ku timid Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, Guddoomiyuhu wuxuu Illaahay uga baryayaa marxuum inuu naxariistii janno haka waraabiyo ummada faraha badan ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin…………….Aamiin…………….Aamiin.
TACSI: Xisbiga Waddani
Aniga oo ku hadlaya magaca Xisbiga Waddani guud ahaan, Guddoomiyaha iyo Hoggaanka Xisbiga, Guddida Fulinta, Guddiyada Gobollada iyo Degmooyinka, Guddiyada Laamaha Dibadda iyo dhammaan xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga Waddani, waxaanu halkan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo bahda warbaahinta Somaliland, geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax Caalin, mulkiilihii iyo tifaf-tirihii Saxafi Media Group oo isla markaana ahaa Xoghayihii Guud ee Ururka Suxuufiyiinta Somalland ee SOLJA.
Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Aammiin
Boobr Yuusuf Ducaale,
Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani
Aamiin……………..Aamiin………….Aamiin.
TACSI: Wasiirka Arrimaha Dibada
Aniga oo ku hadlaya Magacayga, Magaca Bahda-waynta Wasaarada Arrimaha Dibada Jamhuuriyada Somaliland iyo Magaca shacabwaynaha Jamhuuriyada Somaliland, waxaaan halkan ka tacsiyadaynayaa, Qoyska Reer Muxumed Faarax Caalim oo kala ah; Hooyo Sahra Xirsi Axmed, Jimcaale Muxumed Faarax, Axmed Muxumed Faarax (Awliyo), Caalim Muxumed Faarax, Khaalid Muxumed Faarax, Xuseen Muxumed Faarax, Xamse Muxumed Faarax iyo Aamina-hana Muxumed Faarax, oo aan uga tacsiyaynayo geeridii ku timid Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday magaalada Nairobi laguna aasay Magaalada Hargeysa.
Waxaaan sidoo kale tacsi taas la mid ah u dirayaa Bah-weynta saxaafada Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax gudo iyo dibad meel kasta oo ay joogaan.Waxaanan leeyahay dhamaanteen Samir iyo iimaan.illaahay ha inaga siiyo, Marxuumkana waxaaan ILLAAHAY s.w.c, uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, su’aalaha qabrigana u fududeeyo. Dhamaanteen Samir iyo iimaan.
Aamiin…………..Aamiin……………………Aamiin.
TACSI: URURKA QAREENADA SOMALILAND (SOLLA)
Guddoomiye Ku xigeenka Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA) Garyaqaan: Xasan Cali Banfas isagoo ku hadlaya afka bahda garyaqaanada Somaliland, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan bahda suxufiyiinta dalka geeridii naxdinta lahayd ee ku timid suxufigii weynaa ee Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo 29/12/2014 ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Laguna aasay magaalada Hargeysa. Marxuumkaasi waxa uu ahaa shakhsi u taagan difaaca iyo xoriyatul qawlka Somaliland isagoo markasta la soo xidhiidhi jiray garyaqaanada si uu difaac maxkamadeed ugu helo suxufiyiinta loo xidhxidho iyagoo gudanaya mihnadooda shaqo. Waxa uu markasta dedaal weyn ka geli jiray sidii uu ugu hiilin lahaa suxufiyiinta lagu tacadiyo. Kamanuu hadhi jirin dacwadaha suxufiyiinta ilaa uu hubsado xoriyad helista suxufiga xidhan. Markasta waxa uu tashi la yeelan jiray garyaqaanada isagoo u mari jiray dedaalkiisa dhinaca sharciga. Waxaan ugu danbeyn Illaahay uga baryayaa inuu ka waraabiyo Janatul-Fardowza inagana iyo guud ahaan shacbiga Somaliland inuu Illaahay samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin…………….Aamiin…………….Aamiin.
TACSI: Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale
Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo Xaaskiisa Sahra Yuusuf Cabdi waxay Tacsi u dirayaan ehelkii iyo qaraabadii iyo bahweynta Saxaafadda Somaliland oo ay ka tacsiyadeenayaan geeridii ku timid Alle ha u naxariistee xog-hayihii ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday magaallo madaxda dalka Kenya ee Nayroobi laguna aasay Caasimada Hargeys.
Cabdilaahi Maxamed Ducaale waxa uu ku tilmaamay marxuumka tiir adag oo ka baxay saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland “marxuumku waxa uu ahaa nin aad u dedaal badan oo markasta saxaafadda madaxa-bannaan uga fikiri jiray sida waalidku ay ubadkooda uga fikiraan” waxaanu Cabdilaahi Maxamed Ducaale marxuumka Alle uga baryay inuu naxiirtii Janno ka waraabiyo Samir iyo Iimaan saadiq ahna ka siiyo dhamaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay.
Aamiin…………….Aamiin…………….Aamiin.
TACSI
Aabo Cabdiraxmaan Cadami, Hooyo Amaal X Yuusuf, Hooyo Safiya Maxamed, Hooyo Kaltuun Cabdillaahi iyo carruurtooda oo kala ah Cadnaan iyo xaaskiisa, Axmed iyo xaaskiisa, Warsan ii saygeeda, Filsan Cabdiraxmaan Cadami, Bilaan Cabdiraxmaan Cadami, Ugbaad Cabdiraxmaan Cadami, Aamina Cabdiraxmaan Cadami, Liibaan Cabdiraxmaan Cadami,
Dhamaan dadkaasi waxay tacsi u dirayaan qoysaskii, eheladii iyo qaranka Somaliland ee ay ka baxeen lLabada marxuum ee kala ah:-
Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax
Iyo
Marxuum Xasan X Xuseen Cumar Xaashi
Oo 30/12/14 lagu aasay magaalada Hargeysa, waxaanay illaahay uga baryayaan in labadaasi marxuum inuu ku casuumo janatul fardowsa. Qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin……………..Aamiin……………Aamiin.
TACSI: Oday Xasan-xaydh
Xasan Cabdi Maxamuud (X.Xaydh) waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska ilma Faarax Caalim, Ehelka, Qaraabada, Jaarka, Bahda Saxaafada iyo guud ahaan bulshada Somaliland oo uu ka tacsiyeeynayo Geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday magaalada Nairobi, kadibna lagu aasay xabaalaha xeedho ee duleedka Hargeysa, waxaanu illaahay uga baryayaa inuu ugu deeqo naxariistii janno, ummada uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin………………..Aamiin……………Aamiin.
TACSI
Aabo Cabdi Axmed Cige Iyo Hooyo Amran Sh Cali Cabdi Iyo Carruurtooda Oo Kala Ah Madar Cabdi Axmed Iyo Xaaskiisa Muna Cismaan Cabdi Iyo Carruurtooda Oo Kala Ah Munniir, Mustafe, Maa’ida, Marwa, Muscab.
Iyo Axmed Cabdi Axmed Iyo Xaaskiisa Iyo Carruurtiisa, Cali Cabdi Axmed, Raxma Cabdi Axmed, Edo Nimco Axmed Cige.
Dhamaan dadkaasi waxay tacsi u dirayaan qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo ummada Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo ay illaahay uga baryayaan inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, isla markaana samir iyo iimaan ka siiyo qoyskii, ehelkii iyo ummadii uu ka baxayba.
Aamiin…………….Aamiin………………Aamiin.
TACSI: Himilo Media Group
Bahda Himilo Media Group oo kala ah Guddoomiye Madar Cabdi Axmed, Axmed Maxamed Cumar, Khaddar Iid Kaariye, Cabdillaahi Maxamed Axmed, Maxamuud Cali Maxamed (Walaaleeye), Caydaruus Sh Cumar Geedi, Cabdifataax Ismaaciil Mursal, Cismaan Axmed Cismaan, Axmed Cumar Axmed, Cabdicasiis Cali-Nuur Axmed, Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf, Maxamed Aw Cali Cartan, Maxamuud Xasan Cabdillaahi, Axmed Cismaan Battuun, Cabdi Cali Haybe, Muna Cabdi Cali.
Dhamaan dadkaasi waxay tacsi u dirayaan qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo ummada Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo ay illaahay uga baryayaan inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, isla markaana samir iyo iimaan ka siiyo qoyskii, ehelkii iyo ummadii uu ka baxayba.
Aamiin…………….Aamiin………………Aamiin.
INAALILLAAHI WA-INAA-ILAYHI RAAJICUUN:
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment