
Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo ugu dambayn xafladaa ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dhagaxdhiga xaruntan hooyada iyo dhalaanka ee Cali Ciise oo baahiweyn loo qabay, hadal kooban uu ka jeediyeyna waxaanu yidhi, “Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu dhamaystirka dhisamahni noqdo mid adeegyada caafimaad uu bixin doono dadku ka faa’iidaystaan.
Dhinaca kale, socdaalkan deegaanka Cali Ciise ka hor oo Dr. Saleebaan Xagla-toosiye iyo Md. Caddaani ku soo mareen xarunta gobolka Daadmadheedh ee Oodweyne, waxa ay ku wareejiyeen maamul deegaanka deeq qalab caafimaad oo loogu tallogalay cusbitaalka guud ee Oodweyne.
Wasiirka iyo weftigiisa, ayaa la filayaa inay uga sii gudbaan magaalooyin kaloo ka tirsan gobolka Togdheer oo dhismayaal xarumo caafimaad cusub dhagax-dhigaan, isla markaana kuwo dhismayaashoodu dhamaadeen xadhiga kaga jaraan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment