Hargeysa, 28 Dec, 2014 (Himilo)- Dhalinyaro dhowaan loo xidh-xidhay Xiisad uu magaalada Boorama ee gobolka Awdal ka abuuray hadal ka soo yeedhay Suldaan Abibakar Wabar oo deegaannadaas kaga dhawaaqay hadal liddi ku ah Qaranimada, kaas oo uu ku sheegay inuu samaysanayo malleeshiyaad uu kula dagaalamo ciidamo Qaranka Somaliland, ayaa shalay Xukuumaddu xorriyaddooda u soo celisey.
Dhalinyarada oo todobaaddadii u dambeeyey ku xidhnaa Xabsiga Mandheera, ka dib markii Ciidamada Ammaanku ka qab-qabteen gudaha magaalada Borama oo ay dhaq-dhaqaaqyo ammaan-darro ka wadeen, waxa sii-deyntooda loo qabtay munaasibad qado ah oo lagu sagootiyey, taas oo uu kala qayb-galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirro xukuumadda ka tirsan.
Kooxda dhalinyarada ah waxa isla shalay loo gudbiyey dhinaca magaalada Boorama u galbiyey wasiirro uu hoggaaminayo Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiirka arrimaha Gudaha, oo magaaladaas u gaadhay Xiisadda hadalka ka soo yeedhay Suldaankaasi ka abuuray gobolkaas..
Balse waxa ilaa immika Xidhan oo dhalinyarada la sii daayey isku mar la xabsiga loo taxaabay Laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka magaalada Boorama, kuwaas oo lagu eedeeyey inay gacmaha ku jireen fal-dambiyeedyo ammaanka ka dhan ah oo dhalinyarada ku hoggaamiyey inay ku kacaan dambiga loo aanay xadhiggooda.
Wasiir Arrimaha Gudaha oo uu weheliyo Wasiirka Boosaha iyo masuuliyiin kale oo ay la socdaan 19 dhalinyarada Cafiska loo fidiyey, ayaa soo dhawayn loogu sameeyey duleedka magaalada Boorama oo ay ku sugayeen waalidiinta dhashay dhalinyarada oo muujiyey sida ay ugu farxsan yihiin xoriyadda ay ubadkoodu heleen.
Wasiirrada Xukuumadda ka tirsan ee shalay gaadhay magaalada Boorama, ma sheegin muddada ay ku sugnaan doonaan magaalada Boorama iyo tallaabooyinka ay qaadi doonaan, balse waxa la filayaa inay halkaas u joogi doonaan sidii ay wax uga qaban-lahaayeen Xiisada uu hadalka Suldaan Wabar ka abuuray gobolka Awdal.
Sii-deynta Dhalinyarada rabshadaha loo xidh-xidhay, ayaa ka dambaysay kulamo dhexmaray xukuumadda iyo madax-dhaqameedka Awdal oo dalbaday in dhalinyaradooda loo wareejiyo Xabsiyada gobolka Awdal ama Xorriyaddooda loo celiyo, isla markaana ah mid ay xukuumaddu xal ugu raadinayso xiisaddan Suldaan Wabar oo dhalatay tabashooyin dhinaca saami-qaybsiga xukuumadda ah oo madax-dhaqameed Awdal u gudbiyeen madaxweyne Siilaanyo, balse sida uu Suldaan Wabar ku dooday waxba laga qaban-waayey.
No comments:
Post a Comment