Sii daynta maxaabistan ayaa waxa ka qaybgalay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax, waxaana kulan ballaadhan oo uu kula qaatay aqlaka madaxtooyada ee dhawaan loo dhisay gobolka Togdheer ka soo qaybgalay, maamulka Gobolka Togdher, xildhibaano, oday dhaqameedyo iyo dhammaan maxaabiistii halkaasi laga sii daayay.Gudoomiyaha 1aad Ee Golaha Baarlamaankaa, Baashe Maxamed Faarax oo halkaasi kula hadlay maxaabiista Ayaa usoo jeediyey inay dadkooda wax la qabsadaan, isla-markaana ka shaqeeyaan sidii ay Nabadda u ilaalin lahaayeen, isagoo u iftiimiyey inaan qoriga waxba lagu xalili Karin.
Guddoomiye Baashe ayaa intaas kadib maxaabiistaas u galbiyey dhinaca Xarunta Gobolka Sool ee Lascanod, waxana halkaas kusoo dhaweeyey Madax-dhaqameedka iyo Saraakiisha xukuumadda Halkaas u joogta, kuwaas oo si weyn madaxweynaha ugaga Mahad naqay sida uu u dhegaystay Codsigii ragas lagu sii daynayey.
Maxaabiistan, ayaa kamid ahaan jirtey Maleeshiyada Horjooge Cali Khaliif, waxana ay lagu soo qabtay Dagaal Ciidanka qaranku Kooxdaas kaga saaray Deegaanka Saax-dheer.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment