Waa maxay Ujeeddada Madaxweynaha Jabuuti u kulmiyey labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya, maxay-se tahay faa’iidada ugu jirtaa?
Jabuuti, 21 Dec, 2014 (Himilo)- Kulamo Albaabbadu u xidhnaayeen oo aan Warbaahinta loo oggolaan oo gelinkii dambe ee shalay ilaa xalay cawaysinkii dambe socday, ayaa magaalada Jabuuti ku dhex-maray Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasoo iyaga iyo wufuud ay hoggaaminayaan shalay gaadheen magaalada Jabuuti markii ay ka ambabaxeen magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho.

Ka hor kulammada Albaabbadu u xidhnaayeen ee xalay illaa gelinkii dambe ee shalay socday, waxa uu Madaxweynaha Jabuuti Qado-sharaf ugu sameeyey Huteelka Weftiyadan la dejiyey ee Kampicy iyagoo Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland halkaas isku salaamay, si kal iyo laab ahna isugu gacan-qaaday iyagoo dhoolla-caddaynaya oo uu Madaxweynaha Jabuutina garab-taagan yahay.
Kulankan qadada ah ee ay wada-yeesheen Madaxweynayaasha Jabuuti, Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa hor-dhac u ahaa kulammada gaarka ah oo ay wada yeesheen Masuuliyiintan iyo kulammo ay sidoo kale wada yeelan doonaan Axadda Maanta, kuwaasoo aan illaa hadda si rasmi ah loo sheegin waxyaabaha lagaga wadahadli doono.
Hase-yeeshee, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Marti-qaadkan uu u fidiyey Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya, waxaa la sheegay in sababta uu isugu yeedhay labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Somaliland la xidhiidho inuu wada-hadashiiyo.
Wadahadalkaas ayaa la tibaaxay inuu uga dan leeyahay Madaxweyne Geelle in labada Masuul ee Soomaaliya iyo Somaliland uu isaga soo dhawaadaan heerka ay hadda kala taagan yihiin Siyaasad ahaan iyo Shaqsiyad ahaanba. Waxa warku intaas ku daray in Madaxweyne Geelle damacsan yahay qorshe uu ku rabo in wada-hadallada dhawrkii sano ee u dambeeyey Soomaaliya iyo Somaliland uga socday Turkiga loo soo wareejiyo dhinaca waddanka Jabuuti, si uu ugaga faa’iideeyo dalkiisa dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba, sida ila-wareedyo Wargeyska Himilo ka helay Jabuuti tibaaxeen.
Waxa la filayaa inay arrimo badan oo kala duwan kaga wada-hadli doonaan kulammada la sheegay inay dhex-mari doonaan saddexda Madaxweyne ee Soomaalida Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo wararku intaas ku darayaan in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh si gaar ah u kulmi doonaan inta ay ku sugan yihiin Jabuuti, mararka qaarna uu kulammadooda goob-joog u ahaan doono Madaxweyne Geelle.
Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo oo gelinkii hore ee shalay ka dhoofay garoonka diyaaradaha Cigaal ee Caasimadda Hargeysa, Salaan-sharaf ka sii qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidammada qalabka-sida, isagoo aan wax haba-yaraatee war ah siinnin Warbaahinta, isla markaana aammusni kaga dhoofay dalka, halkii uu awalkii hore sharraxaad kooban ka sii bixin jiray ujeeddada safarka uu u baxayo iyo meelaha uu ku tegaya-ba. Balse, doorkan xaaladdu sidii hore way ka duwanayd, waxaanu dalka ka dhoofay Madaxweynuhu isagoon wax war ah bixinnin.
Weftiga Madaxweyne Siilaanyo ku weheliya socdaalkiisan waxay isugu jiraan Wasiirro, Xildhibaanno Suxufiyiin iyo Xubno kale oo Madaxtooyada ka tirsan, waxaanay Magacyadoodu kala yihiin; Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina-Waris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Beeraha Prof. Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), Ku-xigeenka Protocol-ka Madaxtooyada Caydaruus Mahdi Xaashi, Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafadda Madaxtooyada Naasir Yuusuf Daahir. Waxa kale oo safarka weftiga madaxweynaha ku wehelinaya Guddoomiye Ku-xigeenka Wargeyska Dawan Cumar Maxamed Faarax, Guddoomiyaha Wargeyska Somalilandtoday Muniir Axmed Cige iyo Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).
No comments:
Post a Comment