Thursday, December 25, 2014

Weedho lagu duray Xukumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye oo laga jeediyey Madal taageero loogu muujiyey Wasiirro Xukuumadda ka tirsan

Hargeysa, 25 Dec, 2014 (Himilo)- Munaasibad lagu taageeray hanka siyaasadeed ee hoggaaminta talada dalka inay Wasiirada Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda Somaliland isaga dhex-sharraxaan kulana tarmaan gudaha Xisbiga Kulmiye siyaasiyiinta kale ee ay isku damaca yihiin, ayaa shalay ka dhacday Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana halkaas xukuumadda madaxweyne Siilaanyo looga jeediyey weedho isugu jiray baaq iyo talooyin la xidhiidha Isku-xidhnaanta shacabka iyo nidaamka maamul ee xukuuumadda.
SONY DSCSONY DSCMunaasibadda oo ay ka qayb-galeen madax-dhaqameed tiro badan, Siyaasiyiin, xildhibaanno, Aqoonyahan iyo dhalinyaro, ayaa lagu dedafeeyey go’aan Guddiga Horumarinta Beelaha Sacad Muuse ee lagu soo doortay Shirkii Hoodaale ee Agabar, kuwaas oo go’aamiyey in guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse BIixi Cabdi noqdo murashaxa kaliya ee Beesha ugu sharraxan tartanka madaxtinimada ka dib marka madaxweynuhu dhammaysto muddo-xileedkiisa mar labaad.
Madax-dhaqameed kala duwan oo hadallo lagu dedafeynayo go’aanka Guddigaas iyo Hadal Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi ku shaaciyey inuu ku taageersan yahay, waxa ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ugu baaqeen inay wax ka qabato aafada qabyaaladda oo saamayn taban ku yeelatay bulshada Somaliland muddadii Xisbiga Kulmiye talada dalka hoggaaminayey, sida ay sheegeen Salaadiin iyo Cuqaal ka hadashay kulankaas shalay.
Boqor Muxumed Geelle Seed, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay xakamayso qabyaalad saamaynteedu ku fidayso bulshada, waxaanu yidhi, “Siyaasiyiinta arrintoodu ha ku ekaato Xisbigooda, dibna yaanay u dhicin shir caynkan ah oo la qabto oo la yidhaahdo waxa lagu kala reebayaa cid, annagu (beesha) cidna ma kala reebi karo, xisbibaa dadka kala reebaya. Dawladduna qabyaaladdan ha xakamayso oo dadka haka joojiyo.”
Sidoo kale, waxa saamaynta Qabyaaladdu bulshada ku yeelatay si qoto-dheer uga hadlay Caaqil Cabdiraxmaan Cismaan Aw-Xereeye, waxaanu yidhi Caaqilku, “Xagga maamulka Somaliland marka la eego, intii xisbiga Kulmiye ee aan ka tirsanahay, waxaad mooddaa waxa laynagu xamanayaa inay dhab tahay, waxa la yidhaahdaa qabyaaladdiibaa kortay. Intaa Xisbigu jiray ee aynu talada haynay, waxa soo baxay shir-beeleedyo fara-badan oo meel kasta lagu qabanayo, haddii maamulka dawliga ah ay ka xoog-roonaato qabyaaladdu, maamulka dawliga ahi wuu daciifaa. Xukuumadda Waxaan leeyahay, wax hala qabato qabyaaladdan koraysa ee umadda ku faafaysa oo yaan dadka rabash lagu abuurin.”
Waxa kale oo madax-dhaqameedkii ka hadlay dhibaatada Qabyaaladdu ku hayo ka mid ah Caaqil Cabdi Aw Cumar oo isagu baaq u jeediyey madaxweyne Siilaanyo, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Nin walba wuxuu yidhi Madaxweynahaa murashax ah, haddana wixii waa laysku laynayaa, madaxweyne haddaad mid walba dhabarka ka taabatay, ma geynee naga daa oo innamada meel uun wax ugu wada-sheeg,” Sidaas ayuu yidhi Caaqil Cabdi Aw Cumar.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment