TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland ayaa guud ahaan qaranka Somaliland ka tacsiyeeyey geerida naxdinta leh ee ku timid xoghayihii ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ahaa suxufi waayo arag ah.
War-saxaafadeedka tacsida Madaxweynaha oo ka soo baxday xafiiska af-hayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa waxay u dhigneyd sidan:-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada Somaliland, Ururka suxufiyiinta ee Solja iyo Wargeyskii uu ka tirsanaa ee Saxafi.
Sidoo kale waxa uu tacsi taasi la mid u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday Nairobi-Kenya 29/12/2014, loona geeyey xaalad caafimaad ka dib dhaawac ka soo gaadhay shil baabuur.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay inuu kaalin mugleh ka soo qaatay dhismaha dhaqaajinta iyo hirgelinta saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland, muddo dheerna waxa uu ka mid ahaa hogaanka ururka saxaafada Somaliland ee Solja.
Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Ubadkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment