Dedaalka Dawladda Jabuuti ka samaysay la-dagaalanka Musuqa, aya warbixintu sheegtay inay u horseedday isbeddel dhiirranaan leh oo sababay in dalkaasi kor uga soo kaco heerka uu sannadahii hore kaga jiray liiska dalalka adduunka ee halista musuqmaasuqu aafeysay..

Warbixinta Baanka Adduunka, waxa ay dawladda Jabuuti ku dhiirri-gelisay sii xoojinta cidhib-tirka musuqa, iyada oo lagu sheegay in xaaaldu dhinaca wanaaga u socoto sannadba ka ka dambeeya, haatana ku dhowdahay heerka wadamadda horumaray.
Horumarka dalka Jabuuti ka gaadhay la-dagaalanka musuqmaamsuqa ayey warbixintu xustay inuu ku yimi siyaasadda Madaxweynaha dalkaas ku jideeyey nidaam casri ah iyo shuruuc lagula dagaalamo musq-maasuqa.
“Si loo gaadho hadafkaa waxay xukuumada jabuuti diyaarisay nidaamkii hab furfuran loogu maamuli lahaa hantida shacabka oo natiijadeedu keentay calaadaha xilligan muuqda,” sidaas ayaa lagu sheegay war-bixinta.
Wadanka Jabuuti ayaa lagu sheegay warbixinta inay muujiyeen awooda ay ku maarayn karaan caqbadaha ka soo waajaha miisaanka maalgashiga caalamka oo siyaasad cad loo dejiyey sidii loo dhiirri-gelin lahaa horumarinta dhinacyada kaabayasha.
“Korodhka shaqo-abuurka waxa uu sare u kacay boqolkiiba 6.6%, halka horumarka dhismayaasha ee shirkaduhu gaadhay kor-u-kac boqokiiba 49%, taasina waxay gaadhsiisay inay hantiyaan saaxiibka horumarka Geeska Afrika,” ayaa warbixin lagu sheegay.
No comments:
Post a Comment