
“Walaalkay xasan sheikh Maxamuud iyo waftigiisa iyo Dawladdiisa aad iyo Aad Baanu usoo dhaweynayanayaa, waxanau ugu mahadnaqaynaa wada-hadalka iyo isfahanka aynu halkan ku wada Gaadhnay, marwalbana dedaal inaynu ugu jirno in umadda iyo dadkeenu ay is fahmaan oo wax wada qabsadaan oo isla gartaan inaynu dad walaalo ah nahayn. waynu ognahay oo dadkeena isticmaar iyo taariikh baynu leenahay oo muddo badan baynu ahayn dad marka horena dedaal ugu jirey inay isu yimaadaan umadda somalidu way fara badan tahay geeska afrika oo dhan dhinacyo badan bay leedhay, markaa waynu soo dhaweynaynaa in marba wixii danta iyo maslaxaddu ku jirto aynu ka wada Hadalno.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweynaha oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay Ka Go’antahay in wixii lagu heshiiyey ay dhinacooda si hagar la’aan ah uga soo Bixi doonaan, waxana uu isagoo arrintaas ka Hadlaya Yidhi,
“Waanu ku dedaalaynaa inaanu annagu dhinacayaga Buuxino wixii nalooga baahdo ee shuruudaha dhinacayaga ah, wanaag, wada shaqayn iyo walaalnimo ayeynu isku ognahay.”
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu caawa u hoydo Dalka Djibouti, isla-markaana uu Subax Berri ah usoo jarmaadi doono Dhinaca Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment