Hargeysa (Himilo)- Illaahay naxariistii janno hawgu deeqee Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ahaa tiir-dhexaad ka baxay saxaafada Somaliland ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha xeedho ee caasimada Hargeysa.
Illaahay naxariistii janno hawgu deeqee marxuum Maxamed-rashiid waxa uu ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ka dib markii uu dhaawac culusi ka soo gaadhay shil gaadhi oo toddobaadkii hore ka dhacay duleedka magaalada Berbera.
Marxuum Maxamed-rashiid ayaa meydkiisa ay diyaaradi ka soo qaaday magaalada Nairobi isla markaana ay keentay gagida dayuuradaha ee Cigaal International Air-port oo ay ku sii sugayeen masuuliyiin iyo dadweyne tiro badan oo dhamaantood ka tiiraanyeeysan geerida naxdinta leh ee ku timid marxuum Maxamed-rashiid, waxaana meydka marxuumka si toos ah loogu galbiyey xabaalaha xeedho ee ku yaala waqooyiga Hargeysa.
Aaska marxuum Maxamed-rashiid waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka kala socotay golayaasha, axsaabta, saxaafada iyo guud ahaan qaybaha bulshada.
Bahda Himilo Media Group waxay tacsi u dirayaan Ooridii, Qoyskii, Eheladii, Bahda Saxaafada iyo guud ahaan ummada Somaliland ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Muxumed Faarax oo ahaa halyeey hal-adag oo hawl-kar ah oo illaahay ku manaystay geesinimo iyo garasho xeel-dheer.
Bahda Himilo Media Group waxay Illaahay uga baryayaan Marxuum Maxamed-rashiid inuu ugu deeqoo janatul fardowsa.
Aamiin……………Aamiin……………….Aamiin.
INAALILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment