Thursday, December 25, 2014

"Madaxweyne ayaan doonayaa, haddana reer baan dabada gelinayaa oo Ragga Hanka leh iga reeba, waa...”

“Waxaan isweydiiyaa xisbiga walaalkay Muuse Biixi gudoomiyaha ka yahay, waxa tartanka golahiisa dhexe u diidan yahay…” Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Hargeysa, 25 Dec, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shaaca ka qaaday inuu isweydiiyo sababta Walaalkii Muuse Biixi oo karaamo iyo ixtiraam ka mudan, ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ah u diiddan yahay inuu tartanka Musharraxa Madaxtinnimo oo nin Qaran noqonaya uga dhexdhaco Golahiisa dhexe, marka Madaxweyne Siilaanyo dhammaysto teeramkiisa labaad.
Samaale SaxWasiir Samaale oo wareysi shalay lala yeeshay ka hadlayey, ayaa caddeeyey inaanay jirin kalsooni marnaba u siiyey inay go’aan ka gaadhaan kala reebista musharrixiinta Beeshiisa Guddiga Horumarinta, isla markaana u muuqdeen qaar Guddi la soo dhaqdhaqaajiyey, oo si loo soo dhaqdhaqaajiyey oo dad dabadda ka wadaan, oo shaqsi wax u doonasay, waxaanu yidhi; “Maanta ninka tartan Madaxtinnimo doonaya waa inuu doorasho xalaal ah ku soo baxaa, Guddiga Horumarnta shirkii Agabar way I yeedheen, waxay igu yidhaahdeen cabasho ayuu Muuse Biixi kaa tirsanayaa, waxaan idhi; ‘hadduu cabasho iga tirsanayo aniga iyo Muuse Biixi isugu kaaya yeedha, waxay iigu jawaabeen; ‘cabashadu mid shaqsi maaha, dhinaca Xisbiga Kulmiye ayey la xidhiidhaa, waxaan doonaynaa arrinta noo dhiibato oo naga oggolaato, oo noo saxeexdo warqad oggolaansho arrintiina inaan galno.”
Waxa uu Wasiir Samaale oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray; “Way joogaan maanta, way noolyihiin, waad wareysan kartaan, waxaan ku idhi; ‘maaddaama arrintu siyaasad tahay idinku Guddi siyaasadeed maydaan ahayn, idiinma dhiiban, idiinna dhiiban mayo, wax oggolaansho ahna idinma siinayo, arrinkaasina Xisbiga Kulmiye ayuu u yaallaa ee raalli ahaada’. Wax oggolaansho iyo aqbalaad aan Guddiga Horumarinta u dhiibayna ma jirin, cajalad ayey duubeen, haddii hadal aan kalsooni ku siiyey ku jiro, dadka ha dhegeysiiyaan. Ragga beenta sheegaya ee Guddigaa Horumarinta ee leh talo ayey noo dhibteen aniga iyo Maxamed Biixi, midkaayana waxba uma dhiiban, waxaan ku nidhi Guddi horumarineed ayaad tihiin, wax kalsooni ah maannu siin.”
“Hadday hayaan bal dadweynaha ha u soo bandhigaan. Guddiga Horumarintu Guddi la soo dhaqdhaqaajiyey, oo si loo soo dhaqdhaqaajiyey oo dad dabadda ka wadaan, oo shaqsi wax u doonasay ayuun bay ahayd. Waxaan leeyahay Guddigaasi Guddi go’aan Xisbi gaadhi karta maaha. Musharrax Madaxweyne ninka doonaya inuu Qarankan hoggaamiyaa yaanu reer dabadda gelin, Madaxweynaan doonayaa, haddana reeroow tartan ma geli karee Ragga hanka leh ee Cabdicasiis Samaale iyo Maxamed Biixi idinku iga reeba, taasi waa arrin qofka sidaa leh ku xun, Qarankana ku xun, Xisbiga Kulmiye-na ku xun.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland.
Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu sheegay inuu Muuse Biixi iyo Maxamed Biixi-ba uga soo horreeyey isagu Xisbiga KULMIYE, hase-yeeshee uu diyaar u yahay inay si siman ugu dhex-tartamaan oo haddii laga guulaysto cidda ka guulaysata uu garab-istaago, waxaanu yidhi; “Maanta Xisbiga Kulmiye, walaalladay Muuse Biixi iyo Maxamed Biixi-ba waan ka sheegan karaa, anigaa uga soo horreeyey oo aasaaskiisii geed walba u fadhiistay. Laakiin, haddana walaalladay oo aan siman-nahay ayaan u arkaa, waan soo dhoweynayaa Maxamed Biixi, waa nin Golaha dhexe ah, waa nin dublamaasi waaya-araga ah oo Qaramada Midoobay u soo shaqeeyey, waan ku soo dhoweynayaa Xisbiga, waan ku soo dhoweynayaa tartanka.”
“Walaalkay Muuse Biixi, waa Mujaahid, Raggii Xisbigan laf-dhabarta ka ahaa ayuu ka mid yahay intii dambe, isagana waan ku soo dhoweynayaa, laakiin tartami kari mayo, tartan yaan la gelin, ee reeroow na kala reeba, Xisbiga reer ma laha ee ummadda Somaliland ayuu u dhexeeyaa. Reerkana waannu wada leenahay, waana la arki doonaa badida reerka, aqlabiyaddoodu halka ay raacdo, maaha aqlabiyadda reerka afar nin oo meel tegay, oo cid wax u dhiibatay aanay jirin.” ayuu yidhi Samaale.
Samaale waxa uu sheegay waxa reerku doortaan inay yihiin Salaaddiinta iyo Cuqaasha, waxaanu yidhi; “Reerku Cuqaasha ayuu doortaa, Salaaddiinta ayuu doortaa, ninka Musharrax Madaxweyne doonayaa waa inuu ummadda Somaliland dhammaanteed sumcad ku leeyahay, beeshuu ka soo jeedaa waa ta koowaad inuu bud-dhig ku yeesho, Reerka aannu ka dhalannay Walaalkay Muuse Biixi waan u siman-nahay, waxaanan ogahay inaan kaga cod badanahay, dadka ka iibi siyaasad, laakiin iga reeba caqli maaha, ii xukuma caqli maaha. Hadii maanta afti laga qaado reerka oo la yidhaahdo yaad qaadaysaan Cabdicasiis Samaale, Maxamed Biixi iyo Muuse Biixi diyaar ayaan u ahay. Laakiin, reer keliya lagama doonayeen dhammaan ummada Somaliland ayaa doorata Madaxweynaha.”
“Hadii Guddoomiyennimadii Xisbiga KULMIYE iyo hoggaankii lagu tartami waayey, Musharraxa Madaxweyne laguma tartamayo, taas macnaheedu waa xisbiga baabbi’iya, oo nidaamkii qabaa’ilka ha loo noqdo. Waxaan isweydiiyaa xisbiga walaalkay Muuse Biixi Guddoomiyaha ka yahay, waxa tartanka Golahiisa dhexe uu u diiddan yahay.? Ixtiraam ayuu iga mudan yahay, karaamo ayuu iga mudan yahay, waxaan cod dheer iyo cod gaaban ku leeyahay, mushaarraxa Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE, Madaxweyne Siilaanyo dabadii nin Qaran ayuun baa noqon kara, waana ninka tartanka Golaha dhexe ku soo baxa, hadduu Muuse Biixi noqdo waan dhisayaa, hadduu Maxamed Biixi noqdo waan dhisayaa, hadduu Cabdicasiis Samaale noqdana, labada walaalladay ah inay I dhisaan, hadduu cid kale noqdana inaan wada dhisno taa in la aqbalo weeye. Reerku waa reer aan ka wada dhalannay nama kala xigo, Salaaddiintu nama kala xigto.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment