Sida uu baahiyey Wargeyska Al-Carabiya ee ka soo baxa dalka Qatar oo soo xiganaya ilo-wareedyo uu ka helay masuuliyiinta dawladda Masar, waxa la filayaa in dhowaan xabsi laga sii daayo Saddexda weriye ee ka hawl-gali jiray telefishanka Al-Jazeera, kuwaas oo loo xidhay eedo la xidhidha warar ay baahiyeen oo dawladda Masar ku tilmaantay mid khal-khal lagu galinayey ammaanka dalkaas, isla markaana ay taageero ugu muujinayeen Madaxweynihii talada laga tuuray ee Maxamed Mursi iyo Xisbigiisa Akhwaan Muslimiin. Waxaana midkiiba lagu xukumay xabsi dhowr sanno ah.
Dhinaca kale, sida ay baahiyey Idaacadda BBC-da, waxa jira heshiis hoose iyo tanaasul dhexmaray Maamulka

Waxa kale oo warkani intaas daray in dawladda Masar ogolaatay inuu dalkeeda dib uga hawl-galo telefishanka Al-Jazeera Qaybtiisa Caalamiga ah ee ku baxa luqadaha Carabiga iyo English oo hore looga xannibay inay ka hawl-galaan Masar wixii ka dambeeyey xukunka laga riday saddexda wariye ee fal-dambiyeedka loo xidhay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment