
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa ujeeddada kulanka ku sheegay sidii loo waqtiyeyn lahaa xilliga sida rasmiga ah uu u hor-imanayo Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid Baarlamaanka, isagoo xusay inay isla garteen in Maanta oo Arbaco ah ay noqoto inuu horyimaado Golaha Shacabka.
Xoghayaha Baarlamaanka Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kulanka ka dib, ayaa sheegay inuu maalinta Arbacada ee maanta hor-imaanayo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Raysal wasaaraha la magacaabay, isaga oo la doonayo inuu Mudanayaasha ku weydiisto kulanka Berri inay siiyaan codka kalsoonid, waxaanu yidhi; “Berri (Maanta) oo Arbaco ah ayaa la go’aamiyay inuu Baarlamaanka hor-yimaado Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid si codka kalsoonida ay Xildhibaannadu ugu qaadaan.”
Raysal-wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya oo dhawrkii maalmood ee u dambeeyey kulammo kala duwan la yeelanayay Xildhibaannada Baarlamaanka, kuwaasoo uu si gaar-gaar ah ugala hadlayey inay codka kalsoonida siiyaan si uu xilkaas Madaxweynuhu u magacaabay u qabto, isla markaana u soo dhiso Xukuumadda laga sugayo haddii ay Baarlamaanku codka kalsoonida siiyaan oo ay ansixiyaan xilkiisa..
Sidoo kale, Cumar Cabdirashiid, ayaa kulanka Baarlamaanka ee ee maanta lagu wadaa in uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo qorshaha wax-qabad ee uu doonayo inay ku hawlgasho Xukuumadda uu soo dhisi doono haddii ay codka kalsoonida siiyaan Mudanayaashu.
Ma jirto illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Raysal-wasaaraha la magacaabay ee Soomaaliya oo ku aaddan go’aanka Shir-guddoonka Baarlamanka ee ah inuu Arbacada maanta hor-yimaaddo Baarlamaanka, isla markaana weydiisto codka kalsoonida. Waxaanay dad badani tibaaxayaan in Baarlamaanku kalsoonida siinayo, maaddaama oo uu Xildhibaannada kulammo kala duwan intooda badan la yeeshay, isla markaana u ballan-qaaday waxyaabo ay codka kalsoonida ku siin karaan, maaddaama oo aanay Mudanayaasha Baarlamaanku badi ahayn kuwo mabda iyo siyaasad ku shaqeeya ee ay yihiin kuwo nin jeclaysi, qabiil iyo lacag qaadasho ku shaqeeya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment