Wednesday, December 31, 2014

Magacyada Hoggaamiye la shaaciyey inuu Dhintay iyo Mid Is-dhiibay oo Dawladda Kenya loo gacan-geliyey

Washington 31 Dec, 2014 (Himilo)- Dawladda Maraykanka, ayaa ka hadashay weerar cirka ah oo diyaaradaheedu la beegsadeen Hoggaamiye ka tirsan kooxda Shabaab deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ee Koonfurta dalkaasi Soomaaliya, waxaanay sheegtay in kasta oo weli aanay faahfaahin dheeraad ah ka haynin inay ku guulaysteen bartilmaameedkooda.
Dawladda Maraykanku waxa ay sheegtay inaanau jirin jirin wax khasaare ah oo weerarkaasi u geystay Dadka Shacabka, sida lagu baahiyey qoraal uu bartiisa Twitter ku faafhiyey Afhayeenka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka, John Kirby.
Duqeynta Ciidamada Maraykanku ka fuliyeen Koonfurta Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaysa maalmo ka dib markii uu ciidamada Soomaaliya isu dhiibay Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab oo lagu magacaabi Sakariye Ismaaciil Xirsi, kaas oo sida la sheegay lagu wareejiyey Ciidamada Kenya, loona gudbiyey magaalada Nairobi.
Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, ayaa u xaqiijiyey in ninkaa diyaarad ciidamada Kenya leeyahiin loogu qaaday magaalada Wajeer ee Woqooyi Bariga Kenya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment