Wednesday, December 31, 2014

Shan Kamid Ahaa Maxaabiista Xabsiga Guantanamo Oo Dib Xorriyadooda Loo Siiyey

Gurantanamo:Dec,31,2014(Himilo)-Xukuumadda Waddanka Maraykanka, ayaa dib xorriyadooda u siiyey Shan kamid ahaa Maxaabiista Muddada dheer ku jirey Xabsiga Guantanamo bay, kuwaas oo arrimo argagixiso loo hayey.

guaaMaxaabiistan lasii daayey Xalay ayaa la sheegayaa inay Muddo Toban sano ah halkaas ku Xidhnaayeen, waxana loo arkaa inay yihiin qaar laga dhamaystay Dantii laga Lahaa.

Maxaabiistan ayaa ka kooban 3 nin oo u dhashay dalka Yemen iyo labo nin oo u dhashay wadanka Tunisia, waxaana raggan loo dhoofiyey dalka Kazakhastan.

Dowlada Maraykanka ayaa muddo dheer gorgortan kula jirtay dowlada Kazakhastan in ay qaabisho ragaasi oo la sheegay in aan lagu celin karin wadamadii ay u dhasheen.

Hore ayaa maxaabiis laga siidaayey xabsiga Guwantanamo loo dhoofiyey dalal ay ku jiraan, Uruguay, Slofakiya iyo Goergia si ay noloshooda inta ka hadhay ugu qaataan.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa hore u sheegay inuu doonayo inuu xidho xabsiga ku yaal jasiirada Kuba ee Guwantanamo, waxaana halkaasi weli hada ku xidhan 127 maxbuus.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment