
Hargeysa, 27 Dec, 2014 (Himilo)- Waxa shalay magaalada Muqdisho ee Xarunta dalkaasi Soomaaliya gaadhay hoggaamiyaha Kooxda la baxday Khaatumo Prof Cali Khaliif Galeydh oo muddooyinkii u dambeeyey Dibad-meer ku ahaa dalalka Kenya iyo Itoobiya, ka dib markii ciidamada Somaliland ka saareen deegaanka Saax-dheer oo uu ka abaabulayey shir lid ku ah qadiyadda jiritaanka Somaliland.
Lama oga ujeeddada rasmiga ah ee la xidhiidha socdaal Prof Cali Khaliif Galeydh ku tagay magaalada Muqdisho, balse mar uu warfidiyeennada kula hadlayey garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxa uu sheegay inuu dawladda Xasan Sheekh kala hadli doono arrimo siyaasadeed oo ay ka mid tahay wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
“Baarlamaankiibaa jira, Xukuumaddiibaa jirta, intaba dano badan baanu ka leenahay, intii ay noo suura-gashaba. Waxaanu rabnaa inaanu aragno oo is-warsanno, in haddii arrimaha qaarkood laysku diiddan yahayba ama aan si loo wada-arkaynin, dani waa seeto, umadda tani ma kala tagayso. Meelaha is-maandhaafka iyo xurguftu jirtana, waxaan qabaa, la-wada hadal, la heshiisbaa la yidhaahdaa,” sidaas ayuu yidhi Cali Khaliif oo ka hadlayey ujeeddada socdaalkisa.
Prof Cali Khaliif oo ka hadlayey wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya iyo kulankii u dambeeyey ee labada madaxweyne ku-dhexmaray magaalada Jabuuti, waxa uu sheegay inuu arrimaha khuseeya wada-xaajoodka kala hadli doono Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu yidhi, “Arrinta ugu fog ee dhibaatada ugu badani ka taagan yahay waa taas madaxweynuhu u dhoofayo ee Jabuuti u tagayo ee ah qolada Somaliland iyo umadda Soomaaliyeed xidhiidhka ka dhexeeya, ama xidhiidhka ay ku dhawaaqayaan inay jarayaan, arrimahaasi way na khuseeyaan, aad iyo aad bay noo taabanayaan, waxaanan jecelahay inaan madaxweynaha (Soomaaliya) kala hadalno shirarkaas iyo waxa aanu saxaafadda ka maqlayno oo aanu u aragno inaanu arrimahayagii marti ka nahay.”
Prof Cali Khaliif Galeydh, ayaa badhtamihii sannadkan firxad ku galay gudaha dalka Itoobiya, ka dib markii Ciidamada Qaranku ka saareen magaalada Xuduudka dalka Itoobiya ku taala ee Saax-dheer oo ka tirsan gobolka Sool halkaas oo loogu qabanayey Xaflad loogu caleemo-saarayey maamul la baxay Khaatumo uu deegaannadaas ka abaabulayey. Haseyeeshee, markii dambe oo uu gaadhay magaalada Addis Ababa, waxa uu weji-gabax kala kulmay dawladda Itoobiya oo ku amartay inuu si deg-deg ah uga baxo dalkooda, waxaanu markii dambe u sii dhaafay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa.
No comments:
Post a Comment