Tuesday, December 23, 2014

Xisbiyada Mucaaridka ah oo Aragtiyo kala duwan ku qaabbilay Qodobbada ka soo baxay Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ee Jabuuti

Hargeysa, 23 Dec, 2014 (Himilo)- Guddoomiyeyaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey heshiiska lixda qodob ka kooban ee ay kala saxeexdeen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya oo Axaddii Shir ay labada dhinac ku wadahadleen ugu soo gebo-gaboobay magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti.
Shirkaas oo uu marti-geliyey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya iyo Weftiyo ay kala hoggaaminayaan oo Sabtidii Jabuuti tegay ku kulmeen, kagana wadahadleen arrimo badan, ka dib markii shirkoodu gelinkii dambe ee Sabtidii bilaabmay illaa Axaddiina socday qodobbada ay isla gaadheen mid ka mid ah waxaa saluug ka muujiyey Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro oo ka dalbaday Xukuumaddu inay Golayaasha Baarlamaanka iyo Shacabka Somaliland-ba u fasirto nuxurka rasmiga ah ee qodobkaas oo dhigaya in lagu dhiirrado arrimaha Masiiriga ah ee Somaliland.
Feysal-cali1Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo Warbaahintu wax ka weydiisay aragtidiisa la xidhiidha qodobbada War-Murtiyeedka laga soo saaray wadahadalka ay Somaliland iyo Soomaaliya ku yeesheen Jabuuti, waxa uu yidhi; “Waannu soo dhawaynaynaa in wadahadallada lagu qabtay Jabuuti, waxaan aad iyo aad u boorrinayaa Madaxweynaha Jabuuti, immika waxaad mooddaa in Soomaaliya ay run ka noqotay wadahadallada ay Somaliland la yeelanayso. Markaa, inay arrinteennu ka bilaabanto IGAD oo weliba ay ka bilaabanto waddamada aynu Jaarka nahay oo ay arrinta gacanta la galaan way fiican tahay.”
Faysal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray; “Qodobbada hadda soo baxayna aad iyo aad bay u fiican yihiin qodobbo weeye loo baahnaa, laakiin u baahan inaan sidii kuwii hore aanay hoosta iska dhigin Soomaaliya ee lagu ilaaliyo oo aan jeclahay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle inuu arrintaa daba-gal aad ah ku sameeyo. Waan hambalyeynayaa labada qolo iyo Madaxweynaha Gogosha dhigay-ba.”
“Annagu Xisbi ahaan waxaannu u aragnaa guul Soomaali oo dhan u soo hoyatay, waayo qaddiyadda Somaliland iyo Soomaaliya haddii la xalliyo waxaan filayaa inay wax wayn ka geysan doonto dhibaatada Somaliland iyo ta geeska-ba.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo markii Wadahadalku bilaabmay gelinkii dambe ee Sabtida ka hadlay, waxa uu Xukuumadda talada haysa ku canaantay inaanay wax wada-tashi ah kala sii samaynin wadahadalka ay Soomaaliya la galayso ee ka bilaabmay Jabuuti.
0000000000006Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isagu Aragti ta Faysal ka duwan ka muujiyey mid ka mid ah qodobbada ka soo baxay Shirkaas wadahadalka ah ah ee ay Madaxweynayaasha Somaliland iyo Jabuuti ku wada-yeesheen dalka Jabuuti.
Cabdiraxmaan-Cirro oo magaalada Hargeysa Saxaafadda kula hadlay, arrintaas heshiiska wadahadalka lagu gaadhayna ka hadlay aragtida ay Xisbi ahaan ka qabaan, waxa uu yidhi; “In la wadahadlaa waxay ahayd arrin la isla oggolaaday, laakiin, waxa laga wadahadlayo iyo marka ay soo gaadho arrimaha Masiiriga ah in marka horena laga sii wada-tashado, marka dambana Shacabka iyo Goleyaasha Qaranka looga warramo ayuu waajibku yahay sidaannu u aragno.”
“Qodobbada waxa ka mid ahaa qodobka labaad oo sheegaya; labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arrimaha Siyaasadda ee Masiiriga ah lagu dhiirado, Masiirka waannu garanay oo waa Mustaqbalka Ummadda. Laakiin, in lagu dhiirrado, waxaannu Xukuumadda ka rejaynayaa una aragnaa inay waajib tahay inay Ummadda u fasirto waxa lagu dhiirranayaa waxay yihiin. Waxaannu mar walba ku adkaysanaynaa in arrinka gooni-isu-taagga Somaliland yahay arrin aan marnaba sinaba gorgortan u geli Karin.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Cabdiramxaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Guddoomiyaha WADDANI mar uu ka hadlayey heshiisyada hore ay Somaliland iyo Soomaaliya u wada galeen ee aan fulin, waxa uu yidhi; “Qodobka qudha ee Soomaaliya iyo Somaliland hore ugu heshiiyeen wuxuu ahaa Maamulka Hawada oo ay ahayd inay Maamulaan Guddi isku dhaf ah oo xaruntoodu Hargeysa noqoto, hase-yeeshee, waxaad ogtihiin in Qaramada Midoobay Maamulkii hawada ku wareejisay Soomaaliya, markaa dee wax ka noolba garan maayo Heshiiskaas Soomaaliya lagu siiyay hawada, balse hadday wax ka nool yihiin Xukuumaddu ha u faahfaahiso Ummadda ayaannu leenahay.”

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment