Thursday, December 25, 2014

Wasaaradda Caafimaadka oo Xal u heshay Koronto Suququl regaadisay Cusbitaalka Burco

Burco, 25 Dec, 2014 (Himilo)- Cusbitaalka weyn ee magaalada Burco oo dhibaato dhaqaale ka haysan jirtay korontada ay isticmaalaan, ayaa wakhtigan helay adeeg hoos u dhigay xaddiga dhaqaalihii kaga bixi jiray helitaanka korontada, ka dib markii lagu xidhay Muraayadaha Awoodda Tamarta ka dhaliya Qorraxda (Sollar).
Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo kaashanaysa Hay’adda Horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDP, ayaa ka hirgelisay cusbitaalka farsamada Ileyska Qorraxda lagaga dhaliyo ee Sollarka, iyada oo wakhtigan boqolkiiba 75 Korontada uu Cusbitaalka isticmaalo laga dhaliyo Tamarta Qorraxda.
Cusbitaalka Guud ee magaalada Burco, ayaa dabool adeegyada Caafimaadka in ka badan 350,000 qof oo ku dhaqan magaaladaas.
BURCO“Waxaan xusuustaa habeen korontadu go’day annagoo qaliin ku jirna. Halis ayey ahayd, waxaan is-idhi bukaanku wuu dhimanayaa, nasiib wanaag markii korontadu soo noqotay ayaanu dhamaynay qalinkii,” sidaa waxa yidhi Kalkaalliye Caafimaad oo ka hawl-gala Cusbitaalka, kaas oo ka warbixinayey caqabadaha ay kala kulmi jireen suququlka korontada.

Xasan Ismaaciil oo ka tirsan Maamulka cusbitaalka Burco, ayaa sheegay inay culays dhaqaale ka haysatay kharashka ay u adeegsan jireen korontada oo uu sheegay inay bishii kaga bixi jirtay lacag dhan Lix kun dollar, balse haatan ay bixiyaan kun iyo shan boqol oo kaliya, markii qalab Tamarta Qorraxda ka dhaliya korontada lagu xidhay cusbitaalka. “Adeegyada caafimaad aanu bixino waa bilaash, dawlada hoose ayaa qeyb bixin jirtay kharshka, halka aanu xilliyada qaar ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay kaalmo weydiisan jirnay. Waan u mahadcelinaysaa wasaarada Caafimaadka gacanta ay ka geysatay,” Sidaas ayuu yidhi Xasan oo ka tirsan maamulka Cusbitaalka Guud ee Burco.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment