Thursday, December 25, 2014

Diyaarad Dagaal Oo Lagala Goostay Ciidamada Cirka Ethiopia, Lagana Dejiyey Caasimadda Eretria

Addisa Ababa:Dec,25,2014(Himilo)-Ciidamada Cirka ee Dalka Ethiopia, ayaa lagala toostay Diyaarad Helicopter ah, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Andalo Agency.

higoSida wakaaladdu sheegtay waxa diyaaraddan lala goostay qiratay Wasaaradda Difaaca ee Ethiopia, waxana wasaaradda Xaqiijisay in diyaaradaas laga dejiyey Magaalada Asmara ee Xarunta Eretria, waxana Nooceeda lagu sheegay Mi-35 oo ah Nooc Dalalka dunida saddexaad si weyn looga isticmaalo.

Dowlada Ethiopia ayaa dowlada Eritrea ku eedaysay in Iyadu ay ka dambaysay diyaarad helicopter ah oo dhawaan lagala goostay, taas oo sii fogaynaysa Colaadda Guunka ah ee labada dal ee hore iskugu jiri jirey ka dhaxaysa.

Sidoo kale, Qoraalka Wasaaradu waxaa lagu sheegay in diyaaradu ay ku jirtay duulimaad tababar kadib markii duuliyihii uu ku qasbay ardey baranayey duulimaadka in helicopter u jiheeyo jihada dalka Eritrea.

“Sirdoonka dowlada Eritrea ayaa ka dambeeyay afduubka helicopter-ka,” ayaa Lagu yidhi qoraalka.

Wasaaradu waxay qoraalkeeda ku cambaaraysay falkaas waxayna hoosta ka xariiqday in falalka noocaas ah aanay waxba udhimaynin amaanka iyo dimuqraadiyada dalka Ethiopia.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment