Saturday, December 13, 2014

Al-shabaab Oo Markale Dil Ka Geysatay Gudaha Kenya

Kilifi:Dec,13,2014(Himilo)-Ururka Al-shabaab, ayaa Shalay Markale weerar Gaadmo ah ka fuliyey Deegaano ku yaalla xeebta Waddanka Kenya oo ay dhawaan xasuuq badan ka geysteen.

corgWararka halkaas laga helayo ayaa sheegay in Deegaanka Kilifi ee Xeebta Kenya lagu dilay Hal askari oo boolis ah, halka mid kalena lagu dhaawacay, xilli ay heegan halkaas kaga jireen.

Albert Kobia oo ah taliyaha ciidamada Kilifi ayaa xaqiijiyay dilka loo geystay askariga ka tirsan ciidamada booliska, isagoo sheegay in labada kale ee dhaawacantay la dhigay xarumaha caafimaadka.

Weerarka ayaa kusoo aaday iyadoo Kenya ay u dabaaldageysay sanad guuradii 51 ee kasoo wareegatay markii dalkaasi uu xornimada ka qaatay dalka Ingiriiska.

Taliyaha ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ay rasaas ku fureen saldhiga ay ku leeyihiin deegaanka Kilifi, halkaasi oo ay soo weerareen kooxaha hubeysan.

Gobolka dhanka xeebta waxaa bilihii ugu dambeeyay ka dhacayay dilalka qorsheysan iyo weerarada ay sheegtaan masuuliyadooda ururka Alshabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Weeraradaasi ayaa sababtay in ciidamada Kenya ay jawaab kaga dhigaan inay weeraraan masaajido ku yaala magaalada Mombasa ayna ka xidhxidhaan dhalinyaro badan oo lagu tuhmayo Alshabaab inay ka tirsan yihiin.

Gobolka xeebta dalka Kenya ayaa ahaa goobaha ay dalxiis ahaan u tagi jireen dadka ajaaniibta ah, laakiin waxaa yaraaday dadkii halkaasi tagi jiray, markii Alshabaab weeraro badan ay ka geysteen

Himilo Media

No comments:

Post a Comment