Hargeysa 10 Dec, 2014 (Himilo)- Xarun u doodda Xuquuqda Aadamaha oo fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, ayaa warbixin-sannadeed ay ka diyaarisay heerka Xoriyatul-qawlka iyo Xuquuqal Iinsaanka Somaliland, waxaanay ku soo bandhigtay gol-daloolooyin dhinaca xoriyatul-qawlka ah oo dalka jira iyo talooyin guud oo dabba-qaadda iyo ku-dhaqanka Shuruucda dalka.
Warbixinta Xaruntani diyaarisay oo shalay la soo saaray, isla markaana ku soo beegan tahay Xuska maalinta Xuquuqda Aadamaha Adduunka oo ku beegan Arbacada maanta oo sannad kasta 10-ka bisha December looga dabbaal-dego dunida, ayaa Wargeyska Himilo Guddoomiyaha Xaruntan oo lagu magacaabo Guuleed Axmed Jaamac wax ka weydiiyey qodobbo ku jiray warbixinta oo ka hadlayey arrimo xaasaasi ah ku jiray warbixintooda oo ay ku soo xadgudubyada xuquuqal insaanka ee Somaliland ka dhacay sannadkan.Xarunta Xuquuqda Aadamaha (Human Rights Center) waxa ay warbixintooda oo ka kooban Lixdan bog ku sheegeen in nidaamka saamaynta Qabaa’ilku ka xoog badan tahay awoodaha Waaxaha Garsoorka dalku go’aan kaga gaadhi karaan dacwadaha ay ka gar-naqaan, taasina ay meesha ka saarto xuquuqo ay leeyihiin beelaha laga tirada badan yahay ama qabaa’illada awoodda leh.
Guddoomiyaha Xaruntan, Mr Guuleed oo Wariye Walaaleeye oo Himilo ka tirsan weydiiyey haddii ay jiraan caddeymo ay haystaan oo ay ku difaaci karaan eedo dhinaca ku-xad-gudubka xuquuqda aadamaha ah oo warbixintooda ku xusan iyo saamaynta ay ku yeelan karto warbixinta ay baahiyeen, waxa uu ku jawaabay, “Walaal, sidaad la socotid, hadaad eetid warbixinta erey kastoo la sheegay qodobkii sharci ee sheegayey ayaa la socda, maaha wax si qarsoodi ah u qoran. Ujeeddadu waa maxay sida ka muuqata boggaga u horeeya warbixinta waxa ku qoran khaladkan ayaa jira tallobixintiisina waa kan, maaha eedeyn la leeyahay waxbaa xun, eega oo qabta, balse xukuumadaay qodobkan ayaa khaldan taladii lagu saxayeyna waa tan, sidaa ayaan u shaqeynaa. Haa way jiraan wax badan amaan ah oo dalkeenu leeyahay, waxa ka mid ah inaan hadli karno, laakiin mar walba waxyaalaha inaga qaloocda ee dhinaca xuquuqal insaanka la xidhiidha inaan ifino weeye ujeedadayadu.”
Waxa kale oo wariyuhu wax ka weydiiyey caddeymaha uu u hayaan qodobbo ku xusan warbixinta oo sheegaya in Taliyeyaasha Saldhiga Boolisku lacago laaluush ah ka qaataan eedaysanayaasha dambiyada loo haysto iyo dadka soo dacweeya, waxa uu ku jawaabay, “Haa, dadkii aanu wareysanay ayaan haynaa. Mushkiladu waxa weeye, dadkii dhibaatadu soo gaadhay, waxaan kaloo samaynaa inaan maxkamadaha tagno oo xogaha sidaa ku soo uruursano. Dhibaatadu waxa weeyey nidaamkeenii dimoqraadi ayaa qabiil ku dhisan, wasiiradii waxa lagu soo xulayaa qabiil, garsoorahii waxa lagu soo magacaabayaa qabiil, markaa qabiilkii soo magacaabay eex ayuu u samaynayaa. Waxay caado ka dhigteen baadhayaashu inay lacago ka qaataan dadka eedeysanayaasha iyo kuwa dhibanaha ah, taasi wa mid guud ahaan jirta, waanan ku adkeysanayaa jiritaanka eedahaasi, hadaad wareysatid dhibanayaasha saldhigyadu way kuu sheegayaan, waana khalad baadhayaashu sameeyaan.”
“Waan la xidhiidhnay dhinacyada ay khuseyso jawaabaha aanu ka helay waa laba. Inay yidhaahdaan dhibaato ayaa na haysta, dalku waa dal soo koraya, wax walba ma sixi karno iyo diidmo inaanay eedahaasi jirin. Dhibaatada jirta ururada noocayaga oo kale ma qori karaan hebel hebel ayaa saldhig hebel lacag lagaga qaaday, sababtoo ah hebelkii ayaa hadhow laga yaabaa in la raadsado, markaa annagaa dhibta dusha saaranay, dhibanaha xogta na siiyey caddeymahiisa waanu ilaalinaa. Qolo walba markii aanu bilaabaynay warbixinta waanu ku wargelinay inay cid ku soo darsadaan, marka aanu dhamayno waan siinay natiijada, ama ha diidaan ama ha ogolaadaan awood ayey u leeyahiin, annagu kuma adkaysanayno,” sidaas ayuu yidhi.
Mar uu ka hadlayey saamaynta uu filayo inay warbixintiisu ku yeelato dalka iyo haddii ay jiraan arrimo la buun-buuniyey oo ku jira, waxa uu ku jawaabay, “Somaliland waa dal nabad ah oo xasilooni ka jirto, sidoo kale haddana khaladaadka aan sheegay way jiraan, in waanaagsani way jiraan inkaloo khaldanina way jiraane inoo hagaajiya, maaha innagoo is-eedeynayna, oo laba dhinac u kala fadhina. Waxaan odhan karaa warbixintani waxay taageeraysaa sidii Somaliland aqoonsi uga heli lahayd caalamka. Waxaan qabaa in warbixintani sare u qaadayso fahamka bulshada aduunku u leeyahiin Somaliland oo ka jiraan ururo xuquuqal insaanka ka dooda, oo qabsada hadii xukuumadoodu khaldan tahay. Waxaad ogaataa hadii la doonayo in Somaliland aqoonsi hesho waa inay jiraan ururo rayid ah oo xukuumadda la doodi kara, markaa waxaan qabaa in ururkayagu qeyb ka yahay sidii Somaliland u gaadhi lahayd barwaaqo iyo badhaadhe, u hagaagi lahayd, una wanaagsanaan lahayd,” sidaas ayuu yidhi Guuleed.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment