Tuesday, December 16, 2014

“Madaxweyne Abibakar Suldaan buu kuu yahay, Madaxweyne ayaad u tahay u yeedh oo la hadal, hadday Madaxda Dhaqanku kuu keeni waayaan....”

Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo sheegay inay dawladda Ingiriisku u sheegtay inay wax ka qabanayso cabashada ka taagan Ciidanka RRU-da

Hargeysa, 16 Dec, 2014 (Himilo)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo shalay dalka dib ugu soo laabtay markii uu soo dhammaystay safarro bil iyo badh qaatay oo uu ugu maqnaa dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu u yeedho Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar oo ka mid ah Salaaddiinta reer Awdal oo sheegay inay Beeshiisu ka goosatay Somaliland.
UCID IYO SOO DHAWAYNTA (20)Jamaal waxa uu sheegay inaanay habboonayn in tallaabo kasta la isku dayo in Ciidan lagaga jawaabo, balse arrin walba jidkeeda in loo maraa ay habboon tahay, waxaanu sheegay in arrinka Suldaan Wabar yahay arrin ay tahay in Madax-dhaqmeed ka hawlgasho, hadday ka hawlgeli kari waayaanna ay iyagu Mucaarad ahaan isku dayayaan inay isu soo dhawayn sameeyaan. Waxa kale oo uu Jamaal Cali Xuseen ka hadlay Faadumo Siciid oo ahayd Xoghayihii Maaliyadda UCID oo is-casishay bishii hore, isla markaana ku biirtay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, taasoo uu sheegay inay tahay Gabadh Walaashiis ah oo Xisbiga ka tirsanayd, balse cadhootay oo Xisbi kale ay ku biirtay, go’aankeedana ay xor u tahay xaqna u leedahay, UCID ahaanna ku tixgelinayaan go’aankeeda.
Sidoo kale, Musharrax Jamaal waxa uu sheegay in ujeeddada socdaalkiisa Maraykan iyo Ingiriis la xidhiidhay arrimo heer Qaran ah, kuwo Xisbi iyo qaar isaga u gaar ah. Waxaanu sheegay inay dawladda Ingiriisku u sheegtay inay wax ka qabanayso cabashada ka taagan Ciidammada ay maal-geliso ee ka tirsan Booliska Somaliland ee RRU-da oo uu Jamaal ahaan dacwad cabasho ah ka gaadhsiiyey Saraakiil dawladda Britain ka tirsan oo ay London ku kulmeen.
Jamaal waxa uu sheegay in Suldaanku yahay Suldaan reer Somaliland ah oo hadalka ka soo yeedhay ee uu tabashada ay Xukuumadda u soo gudbiyeen ee aan Madaxweynuhu illaa hadda waxba ka qaban ee uu ka hadlay ku saxsanaa, hase-ahaatee, arrinta ah inay Somaliland ka goosanayaan, balse ay tahay wax caaddifadda tabashadu ka yeedhsiisay oo si sahlan wax looga qaban karo.
“Madaxweyne Suldaankani Suldaan buu kuu yahay, waa Suldaan reer Somaliland ah, waa Suldaan aad Madaxweyne u tahay u yeedh oo la hadal, Madax-dhaqmeedka u dir iyagaa kuu keenayee, hadday kuu keeni waayaanna annaga oo Mucaaradka ah baa kuu keeni, wax la dhammayn karayo weeye, maaha wax kasta oo aan sakaaro ka biirsan in wax weyn laga dhigo, dalku yaanu khalkhal innaga gelin, wax walba yaan Ciidan lagu saarin, Ciidankeenna Sharafta iyo karaamada leh yaan lagu xiijinnin arrimo yaryar oo hoose, Ciidanku Cadawga ayuu innagaga dayran yahay.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha UCID waxa uu intaas ku dartay oo yidhi; “Suldaanku hadduu qaldan yahay waa la qabanayaa, qof kasta oo Somaliland ku qaldama waa la qabanayaa, laakiin habka aynu u maraynaa waa inuu ahaadaa mid diblamaasiyadeed, mid Madax-dhaqameed iyo mid wadahadal. Laakiin, haddaynu cid walba ciidan ku saarno oo Xildhibaannada la xidh-xidho oo qaar hadda Boorama ku xidhan yihiin, qaar soo qabta la leeyay, dee waynu dhammaanaynaa sida maalinba qayb loo xidhayo ee yaa soo hadhaya?.”
Jamaal waxa uu cambaareeyey Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Boorama oo la xidhxidhay, kuwaasoo uu sheegay in lagu xad-gudbay maamuuska iyo dhawrsanaanta ay leeyihiin Mudanayaasha la doortay. Waxa kale oo uu Jamaal Cali Xuseen oo la weydiiyey kalsoonida ay Guddiga doorashooyinka hoggaamin ahaan ku qabi karaan Mucaaradku maaddaama oo aanay Xubnohoodi ka mid ahayn Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka midna, ayaa sheegay inay ku kalsoon yihiin xubnaha Guddiga doorashooyinka Qaranka ee Isniintii toddobaadkii hore xilka la wareegay inay caddaalad iyo sinnaan ugu garsoori doonaan Xisbiyada iyo Musharrixiinta tartami doona maaddaama oo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah lagu dhaariyey.
Musharrax Jamaal oo la su’aalay arrinta Qaran ee uu sheegay inay ka wadahadleen Masuuliyiinta dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ee uu xusay waxa ka midka ah, ayaa ku jawaabay; “Masuuliyiinta aannu kulannay, gaar ahaan kuwa dawladda Ingiriiska, waxaannu kala hadalnay dhibaatada Ciidammada RRU-du Shacabka Somaliland ku hayaan maaddaama oo ay dawladda Ingiriisku Lacag badan ku bixiso Ciidammadaas, waannu kala hadalnay, waanay na dhegaysteen, waxaanay noogu jawaabeen oo ay noo sheegeen inay wax ka qabanayaan.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment