Safiirkii hore ee Britain u fadhiyi jirey Magaalada Addis Ababa, ayaa dhawaan laga dalacsiiyey shaqadaas hore ee uu hayey, waxana dhawaan shaqada kala wareegi doona safiir cusub oo loo magacaabay.Madaxweynaha oo Safiir ku xigeenka la qaatay shir saacado socday ayaa kula dardaarmay Mr ALLAN in uu halkaasi ka sii wado xidhiidhkii wanaagsanaa ee uu la lahaa Somaliland laga bilaabo maantana uu yahay saaxiibka Somaliland ilna uu iska saaro sidii uu qadiyada Somaliland u barbartaagnaan lahaa.
Madaxweynaha oo Hadyado kala duwan gudoonsiiyey kuwaasi oo isugu jirta dharka hidaha iyo dhaqanka u ah Somaliland, iyo Astaamaha aynu dhaqan ahaan u leenahay hidaha.
Waxaana madaxweynaha ku wehelinaayey Kulankaasi
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Saylici
Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Biixi
Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi
Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdicasiis
Xoghayaah gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali
Himilo Media
No comments:
Post a Comment