Saturday, December 13, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Socdaal Kedis ah Xalay Kusoo Dhexmaray Suuqyada Hargeysa Iyo Farxadda Shacabkii La Kulmay

Hargeysa:Dec,13,2014(Himilo)-Madaxweyne Siilaanyo iyo Wafti Kooban oo uu horkacayo ayaa habeenkii xalay lagu arkay Suuqyada Hargeysa iyo goobaha Bulshadu ku kulanto, iyadoo dhex mushaaxaya, iyadoo aan wadanin wax ciidan ah.

nasoMadaxweynaha ayaa Booqasho ku tegay Goobo ay kamid yihiin Hutel Sammer time iyo Garoonka Turkigu gacanta ku hayo ee Kubadda lagu ciyaaro, waxana dadkii la kulmay usoo dhaweyeen si weyn.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa lagu qiyaasayaa ujeeddada socdaalkiisa kooban mid isugu jira mijo-baxsi iyo la socoshada habsami-u-socodka hawlaha dalka, iyo inuu wax kaga ogaadoama xog-waraysiyo kooban ula yeelan lahaa Bulshada Somaliland, sida Ganacsatada oo uu Meherahooda ugu tego iyo dadweynaha kale ee ku cawaynaya iyo kuwa danaha wax iibsi ugu sugan wakhtiga uu ku soo beegmayo Meheradaha kala duwan ee uu booqday.

Sidoo kale, waxa uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo booqashadiisan xalay ku maray goobo kale oo ka tirsan Suuqyada kala duwan ee Caasimadda Hargeysa, waxaana Madaxweynaha goob kasta dadweynaha Shacabka ah ee joogaa ku farxeen booqashada Madaxweynahoodu ugu yimi, iyagoon sii filaynin in Madaxweynuhu soo booqanayo, isla markaana si diirran Salaan iyo erayo soo dhawayn ah ugu qaabbilayey Madaxweynohooda.

Maaha markii ugu horreysay ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sidan oo kale Suuqyada Caasimadda iyo goobaha Bulshadu ku kulmaan xilli habeen ah loogu arko isagoo booqanaya, hase-yeeshee marar kala duwan oo hore ayuu wakhti habeennimo ah sidan oo kale booqasho aan cidi sii ogeyn, ciidammo hubaysanina ku wehelin ugu maray goobo kala duwan oo Suuqyada Caasimadda ah oo ay dadku ku dhex-arkeen isagoo dhex mushaaxaya goobo Huteellada laga cunteeyo ah iyo Meheradaha Suuqyada ee laga tukaamaysto.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment