Thursday, December 11, 2014

SONYO oo Qabatay Shirweynihii ugu horreeyey ee lagu gorfeeyo Xalka Dhibaatooyinka haysta Dhalinyarada Somaliland

Hargeysa, 11 Dec, 2014 (Himilo)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, ayaa shalay magaalada Hargeysa ka furay Shirweynaha dhalinyarada Somaliland oo ay soo qaban-qaabisay Daladda ay ku midaysan yihiin Ururrada dhalinyarada ee SONYO, kaas oo noqonaya shirkii ugu horreeyey noociisa ee Mustaqbalka dhalinyarada lagaga hadlo.
Shirkan oo ka furmay Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, Hoggaanka Sare ee SONYO, Dhalinyaro tiro badan oo gobollada dalka isaga kala yimi iyo Bahda Fanka oo bandhig-faneed ku soo bandhigay shirka.
Waxa ugu horeyn shirweynaha ka hadlay, Guddoomiyaha Daladda Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Mubaarig Ismaaciil Taani oo sharraxaad ka bixiyey ujeeddada loo qabtay shirka iyo qodobbada lagaga hadli doono, waxaanu yidhi, “Ujeeddada shirweynuhu waxa ay tahay siay dhalinyaradu uga wada-hadlaan dhibaatooyinka waaweyn ee haysta si aynu qayb uga qaadanno xalka dhibaatadaas. Dhalinyartu waa aqoontii iyo labeentii dalkeena, waxaanu u baahannahay inaanu qayb ka noqonno xalka dhibaatooyinka dalkeenna haysta. Waxa ugu horeyn doona Dhibaatooyinka dhalinyarada haysta, tahriibta, shaqo la’aanta, Tayada waxbarashada, midnimada iyo isku-duubnimada dhalinyarada. Dhammaantood cid wax ka qaban-kartaa ma jirto, laakiin waxa wax ka qaban kara innaga oo gacmaha is-qabsanna oo ka wada-shaqayna, dawlad, ganacsato, dhalinyaro iyo Haweenba. Sidaas darteed, ayay dhalinyarada Somaliland maanta halkan ugu shirayaan, si ay dhibaatooyinkaas uga wada-hadlaan, xalkana ay u soo jeediyaan oo ay qayb ka noqdaan xalka dhibaatooyinkaas.”
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo ka hadlay shirka ayaa bogaadiyay Daladda SONYO, “Waxaan hanbalyo u dirayaa dhamaan xubnaha kala duwan ee Sonyo oo maanta shirkan soo qaban-qaabisay waxaan u sheegaya dhalinyaradu in maanta maalin ay ka fiicantahay aanay jirin, waayo marka aad eegtid masuuliyiinta maanta dowladdeena xilalka ka hayaa waxa ay u badanyihiin dhalinyaro, taasan waxa inoo suuro galisay xukuumadeena. Xukuumadan waxa aan odhan karaa waa tii waxtarka iyo dhalinyarada Somaliland markaad eegto sida ay uga shaqayso sidii ay wax u noqon lahayeen dhalinta Somaliland, shaqaalaha ugu badan ee dowladdu waa dhalinyaro.”
Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo Dhalinyarada & Ciyaaraha oo ka hadlay shirka, ayaa iftiimiyey muhiimadda horumarinta dhalinyaradu u leedahay aayaha iyo mustaqbalka dalka, iyaga oo ku boorriyey inay dhalinyaradu kaalintooda ka qaataan dhismaha iyo horumarinta dalka, waxaanay dhammaantood soo dhaweeyeen shirka oo ay u rejeeyeen in natiijo waxtar u yeelata mustaqbalka dhalinyarada ay gunaanadkiisa kas oo baxdo.
Madaxweyne ku-xigeenka oo isaguna shirka ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaan u mahad celinayaa dhalinyarada Somaliland ee maanta markii u horaysay qabsaday shirwayne ay isugu yimaddeen, waayo haddii la isku imaado waa la kala faa’iidaysanayaa oo waxayaabo badan ayaa la is-wadarsanayaa dedaalkaasina waxaan ku bogaadinayaa SONYO oo waan uga mahad celinayaa Dhalinta Somaliland waxaan Alle uga baryayaa in uu ka dhigo kuwa midaysan.”
Shirkan oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee ay aayahooda kaga tashadaan dhalinyarada Somaliland oo ay soo qaban-qaabiso SONYO, ayaa lagu wada inuu maanta gebo-gaboobo, iyada oo qodobbada ugu waaweyn ee lagaga arrinsanayo ay ka mid yihiin aafooyinka shaqo-la’aanta iyo tahriibka oo ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee wakhtigan haysta dhalinyarada Somaliland.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment