Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani ma sheegin sababta uu masuulkaas uga qaaday xilka uu xisbiga ugu qaabilsanaa degmada Sheekh, balse sida lagu sheegay qoraal ku taariikheysan 12-kii bishan oo xil-ka-qaadista iyo magacaabista isugu jirta, waxa uu xoghayuhu uga mahad-celiyey masuulka muddadii ay wada-shaqayn lahaayeen, isaga oo masuulka cusubna amray inuu xilkaas sii hayo inta uu si rasmi ah ugu magacaabayo.“Waxaan uga mahad-celinayaa Cali Jaamac Ibraahim muddadii aanu soo wada-shaqaynay intii uu ahaa guddoomiyaha degmada ee xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani. Masuulka Cusubna waxaan farayaa inuu xilka si ku-meel-gaadh ah u sii hayo inta aan si rasmi ah ugu soo magacaabayo,”Sidaas ayey u qornaa qoraalka ku taariikheysan 12-kii December, kaas oo warbaahinta xalay la soo gaadhsiiyey.
In kasta oo aanu xoghayuhu Sababta Xil-ka-qaadista masuulka sheegin, haddana warar aanu ka helnay masuuliyiinta kale ee xisbiga Waddani, ayaa noo xaqiijiyey in Guddoomiyihii hore ee degmada Sheekh Cali Jaamac Ibraahim uu hoggaanka Xisbiga u gudbiyey cudur-daar ah inaanu sii hayn karin xilka uu xisbiga u hayo sababo al xidhiidha hawlo ganacsi oo aan u saamixi karin gudashada waajibaadkiisa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment